Durbaanka Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya? Faallo. Saleeban Kalshaale

0
699

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya waa arrin si weyn u taabanaysa dareenka Masiiriga ah ee shacabka Jamhuuriyada Somaliland, waxaanay marka la soo hadal qaado xadanto iyo xaalad hor leh ku abuurayaan Muwaadiniin badan oo sida xaqiiqdu tahay xaasaasiyad iyo xumad ka qaba magaca Soomaaliya gabi ahaantiiba.

Waxa kale oo iyaduna hubaal ah in aanay ahayn arrimo sahlan oo si’ dhayal ah looga dooddi karo amma la wadaagi karo masuuliyadahooda iyo ku metelaada Qaranka JSL, taasoo ahayd sababtii wax ka bedelka loogu sameeyey 5-tii Feb 2012-kii xeerkii hore loogu mamnuucay arrimaha Soomaaliya ee ay goleyaasha Xeer-dejintu soo saareen 2003-dii, kaasoo tirsigiisu ahaa JSL/GB/01/10/2003.

Fadhi wada-jir ah oo labada gole ee baarlamanku yeesheen taariikhda kor ku xusan ee sanadkii 2012, ayaa waxa ay xukuumadda si buuxda awood ugu siiyeen ka qayb galka shirarka loo arko in ay dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland, taasoo shacabka iyo qaybaha kale ee bulshada ka reebaysa in ay door ku yeeshaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya.

Labada qodob oo lagu daray Xeerkaasi iyadoo aan waxba laga bedelin qaab-dhismeedkii, luuqadii iyo ujeeddooyinkii loo sameeyey kolkii hore, ayaa kala ahaa sidan;
1.In Xukuumadu ka qayb gasho shirarka loo arko in dani ku jirto, kana hor imanaynin jiritaanka qaranimada iyo Dastuurka Somaliland.

2.Maadaama Xukuumaddu codsatay in labada Gole ku taageeraan in shirka London laga qayb galo in labada golle ay ku taageeraan.

Waa Maxay sirta ka dambeysa durbaanka Madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ee ku wajahan wada-hadallada?

Haddaba, iyadoo uu sidaasi xaalku yahay sharci ahaan iyo siyaasad ahaanba, waxna aanay iska bedelin qadiyada jamhuuriyada, ayaa waxa todobaadkii la soo dhaafay qalabka warbaahinta ka soo muuqday xubno isugu jira Madaxdhaqameed iyo Siyaasiyiin u ololleynaya wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya oo muddo afar sannadood ku dhow sababo siyaasi ah iyo kuwo farsamo hakad u galay, in dib loo bilaabo iyo in Madaxdhaqameedka Somaliland laga talo-geliyo, isla markaana golaha dhaqanku door ku yeesho ergada ka qaybgelaysa.

Maba xuma haddii uu jiro amma taagan yahay mowduuc ku saabsan arrintaasi oo ay fooshiisu muuqataaye, madaxdhaqameedka iyo siyaasiyiintan oo ay qaarkood kamid ahaayeen raggii dalka u soo halgmay, ayaa waxa hadalladooda laga dareemayey in ay qadiyada wada-hadallada uga faa’idaysanayeen ujeedooyin siyaasi ah amma ay si ula-kas ah cadaadis ugu saarayaan xukuumadda in ay si debecsan oo aan ka fiirsasho lahayn u waajahdo wada-xaajoodka Soomaaliya u dhexeeya.

Dareenkan fasirraadeed oo laba sabab-boodba ku imanaya.
1. In aan mowduucaasi wakhtigan taagnayn, sabab loo hilaadiyaana jirin.
2. In xubnaha hadlay luuqadooda laga dareemayey in aanu wanaagsanayn xidhiidhka ka dhexeeya xukuumaddu, taasina ay sabab u tahay in ay u arkaan meelaha xukuumaddu ka damqanayso.

Xubno kamida Isimadu waxa ay, sidoo kale isticmaaleen kelmado ay ku jirto “Soomaali ma kala maaranto”oo ah weedh ay inta badan isticmaalaan Siyaasiyiinta Soomaaliya marka ay beer-laxowsanayaan Shacabka Somaliland, isla markaana ay adeegsadaan dadka u jan-jeedha dhanka midnimo-doonka ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Hadalka madaxdhaqameedka iyo Siyaasiyiinta ka hadlay wada-hadalladu, waxa uu furay dood iyo muran aan xilligoodii la joogin oo ay daraf kale oo ka soo horjeedaana uga fal-celiyeen si aragtidooda ku lidi ah, taasoo ka dhigan in uu curiyeen muran iyo tirtirsi aan meesha oolin oo aan xataa dareenka bulshadu qaadi karin xaalada adag ee lagu jiro wakhtigan.

Geesta kale, waxa ay dareen ku abuurtay dooddaasi Hay’addaha Dawladda, gaar ahaan kuwa xukuumadda u qaabilsan siyaasadda dibada oo u arkay qorshe lagu soo gacan-togaleeyey shaqadooda iyo in sida runtu tahay Odayaasha dhaqanku ka soo gudbeen xayndaabka.

Labadaas qodob oo daw ku ah in lagaga jawaab celiyo durbaanka ay Salaadiinta iyo isimada kale u tumeen wada-hadallada u dhexeeya labada dawladdood ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa dhinac kale marka laga joogsado waxa ay weedhaamintoodu saameynaysaa warbaahinta sida xil-kasnimada iyo xirfadnimada ka madhan u tebinayey oo ay lafteeda muuqato in ay Olollaha aan ujeedadiisu caddayn qayb ka yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta hadalka ku badhi-taaray-ba iyagoo xushmad iyo qadarin inaga mudan, ma sarrifi karno sababta iyo ujeeddada ku keliftay in ay ilaa heer saloolshaan qadiyadaha xaasaasiga ah ee Mustaqbalka qaranka iyo masiirka umadda oo dhan taabanaya, iyaga oo u buha-buhaynaya sidii xaajo dhaqan oo geed iyo gole taalla amma lagu kala-tagsan yahay ka-tashigeeda iyo toobiyaha lagu xalillayo.

Hase yeeshee, Waxa dhici karta oo xaqiiqo ah, in dadka qaar maleeyaan in odayaasha ay ka hadliyeen gacmo-siyaasaddeed oo si uun uga shidaal-qaadanaya caddowga Jamhuuriyada Somaliland, taasoo haddii lays-tuso amma uu yimaado shaki noocaas ah, iyada qudheedu halis ku ah is-aaminnaada iyo kalsoonida qaranka, wallow aanay ahayn iminka xujjo iyo xan cid ku lug leh si cad farta loogu fiiqay,noqon-na karta jirto in laga waantoobaana ku suurto-geli karto maslaxad iyo muquunin sharci oo la sababsaday.

Maxaa la gudboon madaxdhaqameedka, Siyaasiyiinta iyo Saxaafadda?

Sidaasi darteed, Madaxdhaqameedka mid-baa la gudboon ah, in aanay nusqaamin kaalinta dhaqan ee ay bulshada iyo qaranka ugu jiraan, isla markaana aanay mindi-roortayn iyo jahawareer gelin arrimaha masiiriga ah ee Dalka, hagaajiyaana wada-shaqaynta iyo kalsoonida Dawladda ka dhaxaysa, sidoo kalena ay masuuliyadaha dastuuriga ah uga dambeeyaan Hay’addaha shacabku u igmaday ee fulin, xeer-dejin iyo Garsoorba dheeli-tiran.
Waxa kale, oo Madaxdhaqameedka looga baahan yahay in aanay ku dhex-milmin asxaabta siyaasadda iyo kooxaha ku kala abtirsada Mucaaridka iyo muxaafidka, balse ay taasi bedelkeeda noqdaan Odayaal loogu soo hagaaggo horumarinta danta guud ee umadda, ka-talinta ayaaha wanaagsan ee bulshooyinka ay dhaqanka u yihiin iyo astaanta geedka nabada iyo samaha umaddaha.

Geesta kale, Siyaasiyiinta oo ay ugu horeeyaan hogaamiyeyaasha asxaabta Qaranka muxaafid iyo mucaarid midkay doonaan ha noqdeene iyo jileyaasha sida caadadda noqotay la kala safta labadaas dhinac, waxa quman in ay fahmaan masuuliyadda guud ee ka dhaxaysaa in ay tahay hogaaminta afkaarta bulshada oo dhan, taasoo micnaheedu yahay in uu daraf waliba xambaarsan yahay fikirka qayb kamida Bulshada oo taageersan, oo ku ayidaya talaabo kasta iyo tallo kasta oo uu soo jeediyo sax iyo khalad midkay tahayba.

Waa hogaamiyeyaasha Siyaasadda’e, waxa dhab ahaan looga baahan yahay in ay u dhaqmaan si waafaqaysa kaalinta hogaamineed ee ay qaranka ku leeyihiin, kana dheeraadaan in ay horseed u noqdaan kala-qaybsanaan Jamhuuriyada Somaliland mar kale sollansiisa in ay qaado dariqii ay ku luntay 1960-kii gobanimadii la qaatay.

Dhinaca kale, Suxufiyiinta da’da yar iyo kuwa garaada-gooyey ee dalka iyo dadkaba tacabka badan u soo huray, innaga oo dareensan duruufaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabaha ku gedaaman waxa aynu kula talinaynaa in ay xakameeyaan dareennada ceebta u soo jiidaya mihnadooda iyo in aanay falanqeynta arrimaha masiiriga ah uga wacaal doonin dad aan ehel u ahayn oo haddana dhegaha bulshada saameyn ku leh.

Haddii aan si’ kale u dhigno Wariyeyaashu waa in aanay abla-ablaynta Siyaasadda ka raadin Isin dhaqan oo huwan sharaf iyo Karaamo dadkiisu ku maamusay. sidoo kalena waa in aan qalabka Warbaahintu iyadoo geel loo heesayo aanay gorayo u heesaan, sida ay muujinayso doodda iminka bilaabantay ee ku saabsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya , xilli ay dalalka adduunku la-tacaalayaan caafimaadka iyo maaraynta nololsha Dadkooda, iskana laabeen dhamaan barmaamujyadii kale ee ay dawladdaha iyo dunida kala dhexeyeey, Somaliland-na dhawaaqa iyo qaylo-dhaanta qudha ee dhegaha bulshada u furani ay tahay xakameynta Cudurka Corona Virus ee caalamka ku faafay.

Wariyeyaasha iyo Warbaahinta, waxa ku waajib ah in ay dedaalka iyo diirada xirfadooda geliyaan wakhtigan sidii ay kaalintooda uga ciyaari lahaayeen samato-bixinta dadka iyo dalka, oo ay xataa yeeshaan door ay bulshada ku hogaaminayaan qaab kasta oo aynu kaga badbaadi karno sadhada caafimaad ee socota “alle ha inaga badbaadiyee isagaa awood u lehe”

Ugu dambeyn, durbaanka wada-hadalladu yaanu qaranka ku noqon Corona-virus labaad, dhamaanteena aynu mideyno awooddeena dad-deed, aqoonteena iyo itaalkeena dhaqaale si aynu kufka iminka iyo kabashada dambeba u maarayno innaga oo Qaran ah.

Saleeban Cabdi Cali (Kalshaale)
Wariyeyaasha Dawan
Hargeysa/Somaliland
Email: curad1986@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here