Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland oo Tobobar loogu Soo Xidhey Gobolka Sool

0
1797

Laascaanood (Dawan) Abaanduulaha koowaad ee ciidamada Qaranka Somaliland sarreeyo guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale afguduud ayaa tababar ugu soo xidhay ku dhawaad dhawr boqol askari dugsiga tababarka ciidamada Qaranka ee degmada Samo-kaab ee gobalka Sool.

Munaasibada lagu soo xidhayay tababarkani oo ka qabsoontay dugsiga Samo-kaab ee tababarka ciidamada Qaranka ee gobolka Sool, ayaa dufcadii labaad ee ka qalin jabisa loo loogu soo xidhay.

Waxaana xidhitaankii tababarka ciidamadani goob joog ka ahaa abaanduulaha koowaad ee ciidamada Qaranka Somaliland, sarreeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale af-guduud, hogaanka tababarada ee ciidamada Qaranka sarreeyo guuto Axmed Maxamed Cali Axmed Tansaani, taliyaha aaga bari ee ciidamada Qaranka sarreeyo guuto Cali Bare Xuseen, taliyaha qaybta toddobaad ee ciidamada Qaranka gaashaanle sarre Mahad Cali Baashe iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Qaranka.

Taliyaha agaa todobaad gashaanle sare Mahad Canbaashe ayaa sheegay in ciidamadan dhammeystay tababarku ay ka kala yimaadee shan gobol “Waxaa aanu joogna dugsiga Sama-kaab, halkaasi oo aanu tababar ugu soo xidhayno dufcadii labaad ee ciidanka Qaranka Somaliland oo ka kooban, shan gobol, gobolka Buuhoodle, Saraar, Sool, Xeysimo”

Taliye agaa barri ee Somaliland Cali Barre ayaa is dul taagay wanaaga ay muujiyeen mudadii ay ku jireen dugsiga ciidamada  tababarka ee Sama-kaab   “Dugsigani waxaa ka baxay ciidamada gobolka Xeysimo ilaa gobolka Togdheer, imikana dufcadda maanta halkani tababarka loogu soo xidhaya waxaa ay ka kooban tahay, afar gobol oo kala ah ka Buuhoodle, ka Saraar, ka Sool, ka Xeysimo, dugsigana dhab ahaantii ahmiyadii laga lahaa waa laga gaadhay, ciidankii hore ee ka baxayna waxaa uu kaga baxay si wanaagsan, oo qurux badan ciidankan oo maanta dufcadii labaad ahina waxaa ay muujiyeen, edaab, akhlaaqad, is-maqal, iyo kala danbeyn”

Halkan ka Daawo

 

Leave a Reply