Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo Soo Jeediyay in la Xidho Dhammaan Xuduudaha Dalka

0
852

Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid kana mida mudanaayasha golaha wakiiladda Somaliland, ayaa xukuumadda iyo guddida ka hortaga xannuunka Covid-19 ugu baaqay in ay qaadan talaabooyin ay dalka ku badbaadinayaan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in la sameeyo sidii bulshada loo kala eryilahaa, sidii dadka suuqyada ku kulmaya saxmadooda loo dhimilahaa, iyo sidii waddanka bando loogu soo rogilahaa.

Xildhibaan Xuseen waxaa kale oo uu soo jeediyay in dhammaanba la xidho xuduudaha dalka, islamarkaana qorshe laga yeesho qaabkii loo yareynlahaa jaadka dalka soo galaya, iyo sidii loo joojinlahaa duulimaadyada diyaaradda Itoobiyaan Airline.

Sidoo kale xildhibaanku waxaa uu bulshada u diray talooyin caafimaad oo mihiima, kuwaas oo uu tilmaamay hadii ay sameeyaan in ay ku badbaadi karraan.

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydii isaga oo ugu horeyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Ta ugu weyn ee qofna la gudboon Qarankana la gudboon waxaa weeyi bal sidii la isu badbaadinlahaa uun, viruskan covid-19-ka ayaa xajmigiisu weyn yahay oo culimadu waxaa ay ku sheegeen in marro kasta daldaloolkeeda aanu ka gudbeyn marooyinka caadiga ah, marka marro kasta ayaa inoo noqon kareysa in aynu afka ku xidhano, oo fara dhaqa saabuunta ayaa iyadana loo amaanay ee labaatankii daqiiqaba hal mar qofku ha fala xasho, iyo milixda oo iyaddana lagu falaxalanayo, biyaha diiran iyo milixda oo lagu luq-luqanayo xiliyo fara badan, biyaha oo la cabayo kuwa kulul, dhakhaatiirtu fariimo badan ayay ina siisay, marka in aynu fariimaha dhakhaatiirta ee caafimaadkana qaadano, kuwa guddidana qaadano bulshadeenuna u dhaqaaqaan inay is badbaadiyaan, oo qof waliba gaarkiisa qofka kale uga fogaado, isaguna in aanu wax qaadsiin isna aan la qaadsiin, waayo qofku isaga oo aan is ogeyn ayuu wax qaadsiinayaa, marka anigu aniga oo aan is ogeyn si aanan qof kale wax u qaadsiin waa in aan afkeyga sii xidhaa”

Xildhibaan Xuseen waxaa kale oo uu soo jeediyay in dhammaanba la xidho xuduudaha dalka, lana joojiyo duulimaadyada Itoobiyaan Airline iyo soo gelitaanka Qaadka “Hadii xuduudii, diyaaradii iyo jaadkiiba inagu furaado dee inaga ayaa u yeedhaneyna oo soo dhaweyna marka xannuunkii, waddana imika dhaqaalahaaga ayaa burburi  ma eego, dalkasta waxaa uu u dhaqaaqay maanta waa caafimaad, iyo sideed dadka u badbaadisa, aniggu marka waxaan odhanlahaa xukuumaddu halka amaro adag haka soo saarto, oo haday xuduud xidhistii tahay, jaadka xata hadii la yidhaaho waala mabnuucay oo magaalooyinka oo magaalooyinka in aanu soo gelin laga ilaaliyo oo kaantaroolada lagu gubo halku ka soo galayana laga joojiyo inta koontarabaan kugu soo gasha in yar ayay gaadhi laheyd, waabu qaaliyoobilahaa oo dadku muu wada cuneen, manu wada gaadhi kareen, marka aniga waxaa ay ila tahay ma qaban karno yaan looga gaabsan ee talaabadii la qaada wuxuunbay dhimeysaaye waxaan leeyahay guddida iyo xukuumaddu talaabooyin ha qaado, ay dalkan ku badbaadineyso, suuqa markaad tagto qof kaliya oo afka wax ku xidhan arki meysid, ee sidii loo kal eryilahaa, sidii loo yareyn lahaa, sidii bandoo loo sameylaha falowgeeda hala gallo”

Sawirka xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid kana mida mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Leave a Reply