Jabuuti waxay sheegtay In 407 baaritaan shaybaar laga helay 65-ta qof 24-kii saac ee lasoo dhaafay. Taasi waxay tirada ka dhibaysaa 363 guud ahaan.
Jabuuti waxay sheegtay In 53 qof ay bogsadeen, halka laba qof ay dhinteen.
Guud ahaan Jabuuti waxay xanuunka ka baadhay 5,356 qof.
Dhinaca kale madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku dhowaaqay in toban maalmood oo dheeraad ah lagu daray xilligii hore dadka loogu sheegay inay guryahooda ku sugnaadan.