Wasaaradda Shaqada Somaliland oo Amar Dul-Dhigtay Shirkadaha iyo Ha’yaddaha Madax Banana

0
502

Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa amar ku siisay ha’yaddaha iyo shirka gaarka loo leeyahay in fasaxaan dhammaan shaqaalaha raydka ah marka laga reebo inta looga maarmi waayo shaqada maalinlaha .

 

ayaa lagu sheegay in sheegay in ay muhiim tahay in shirkaddaha iyo ha’yaddaha gaarka loo leeyahay ay fasaxaan shaqaalaha raydka ah ee da’doodu ka weyn tahay lixdan jirka .

 

“In ay fasax galiyaan shaqaalaha dheeriga ah ee looga maarmi karo goobta shaqada, shaqaalaha xaalado caafimaad ku sugan iyo shaqaalaha ka weyn da’da 60 jirka iyagoo aysan waxba iska bedelayn xuquuqdoodii. Shaqaalaha kuwooda aan qaadan fasax sanadeedkoodii waxa ay qaadan karaan wakhti xaadirkan fasaxyadooda.” Ayaa lagu yidhi War-murtiyeed kasoo baxay Xafiiksa Wasiirka Wasaaradda shaqada, arrimaha bulshada iyo Qoyska , Marow Hinada Jaamac Xiris Gaani

 

Dhinaca kale waxa shaqaalaha ajaanibka ah lagu amaray in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah

 

“Dhammaan Shaqaalaha ajaanibka ah & kuwa haysta ruqsada shaqo ee dalka, ee ka soo laabanaya dalka dibadiisu waa in ay u hoggaansamaan awaamiirta Guddida Qaran ee ka hortaga caabuqa COVID-19 iyagoo galaya 14 Maalmood oo karantimeyn ah”

Leave a Reply