Madaxweyne Trump oo ku hanjabay inuu fasax gelin doono Congress-ka

0
440

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu fasax gelin doono Congress-ka, sababo la xidhiidha inaysan ansixin xubnaha uu xilalka sare uga magacaabay maamulkiisa, oo uu ku jiro madaxa hay’adda madaxa banaan ee maamusha VOA.

Dastuurka Mareykanka ayaa dhigaya in xubnaha xilalka sare loo magacaabo ay cod aqalabiyad leh ku ansixiyaan Senate-ka.

Si kastaba haddii congress-ka uusan lahayn kal-fadhi, madaxweynaha ayaa sameyn kara magacaabis loogu yeedho “magacaabista fasaxa”, taasi oo ku ekeeaneysa inta uu dhamaanayo kal-fadhigga xiga ee buuxa ee Congress-ka, haddii qofka la magacaabay aan la ansixin ka hor.

Leave a Reply