Olole ku Saabsan COVID-19 oo Laga Fuliyey Degmada Darasalaam

0
606

Masuulitiinta degmada Daarasalaam ee gobolka Maroodi-jeex, oo kaashanaaya hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda caafimaadka ayaa degaano degmadaas hoos yimaada ka fuliyay olole ku saabsan ka hor tagga xanuunka Corona Virus.

Hawl-galkaas dhanka wacy’gelinta xannuunka Corona Virus oo qayb ka ah dadaalada guddida heer qaran ee ka hor tagga iyo u diyaargarawga xannuunkaas, ayaa waxay ku soo mareen degmada Daarasalaam qaar ka mida degaanda hoos yimaada, kuwaas oo ay ka mid yihiin:- Baliga-cas, Ceel-sheekh, Ceel la helay, Sac-la moodka, Ilinka dhexe, Ilinka Galbeed, Geed-deeble, Biyo Shiinaha iyo degaano kale oo ka tirsan degmada Daarasalaam ee gaoblka Maoodijeex.

Dadweynihii degaanadaas waxa la hadlay oo fariimo ku saabsan ka fajignaanta xannuunka Coroba Virus iyo illaalinta nadaafadda guud u jeediyay Maxamuud Ismaaciil Aadan oo ah gudoomiyaha degmada Daarasalaam, gudoomiye ku-xigeenka degmadaas Cabdiqaadir Jibriil Yuusuf iyo hawl-wadeenadii ka socday wasaaradda caafimaadka Somaliland, waxaanay bulshada degmaad ku dhaqan ku adeeyeen inay u dhago-nuglaadaan fariimaha dhanka caafimaadka ee guudiyada eek u saabsan xannuunka Corona Virus. Ugu dambayn dadweynaha degaanadiis ay masuuliyiintaasi ololaha wacy’gelinta ah ka fulinaayeen ayaa soo dhaweeyay fariimahaas la soo gaadhsiiyay, waxaanay ballan qaadeen inay qaadan doonaan dulucda ay xambaarsan yihiin fariim

Leave a Reply