Wadaniyada Ayaa Ku Weynayd!

0
455

Onoda wuxu ahaa taliye geesi ah oo ciidanka Japan hogaaminayay kuwaasi oo dagaalka kaga jiray Philipin, Boqortooyadii Japan markii la jebiyay muu rumaysan Onoda iyo ciidankiisu arintaasi sidaa darted ismay dhiibaan. Mar danbe ayaa dayuurad waraaqo loogu daadiyay, taasi oo u sheegaysay in ciidamadii Japan ay is dhiibaan madaama dawladoodu jabtay.

Lakiin arinkaasi waxa diiday askarigaasi Japan geesiga ka noqday isagoo sheegay inay tahay dacaayada uu samayanyo Maraykanku si uu inoo niyad jebiyo.

Onoda ayaa la dagaalamay askartii ka soo horjeeday , markiibana waxa uu isku qariyaya dhulka kaymaha Philipin, isagoo aan aaminsanayn in dagaalkii labaad dhamaday.

Sanadkii 1974 ayaa askarigan laga soo helay kaymaha Phlipin, waxaana loo qaaday dalkaasi Japan, maalintaasi ayuu rumaystay inuu dhamaaday dagaalkii labaad.
Waxaana uu ku dhintay Japan magaalda Tokoyo bishii March sanadkii 2014.

Leave a Reply