Xog Dhamaystiran Oo lagu Ogaanayo Covid-19

0
426

Tijaabooyin hidda sidaha DNA oo la ururiyay oo loo adeegsanayo si loo ogoaado sirta ka dambeysa in calaamadaha xanuunka coronavirus ay aad u kala duwanaadaan ayaa dalka Ingiriiska laga wadaa.

Khubarada ka shaqeysa Keydka dhiigagga tijaabada caafimaad ee UK Biobank – oo ay ku jiraan dhiigag laga qaaday in ka badan 500,000 oo qof oo samafal ku bixiyay ayaa hadda ku howlan inay xog dhammeystiran ka soo saaraan cudurka Covid-19.

Waxaa la rajeynayaa in baadhitaankan lagu ogaan doono sababta ay dad aan cudurro hore qabin ay aad ugu xanuunsadaan coronavirus.

Prof Rory Collins, oo hoggaaminaya baadhitankan, ayaa sheegay in howshan ay noqon doonto “cilmi baadhis taariikhi ah”, sida lagu daabcay mareegta (flipboard.com)

 

Isagoo intaasi ku daray in dhakhso loo ogaan doono Siday u kala duwan yihiin calaamadaha Covid-19. Dadka uu ku dhacay qaybo ka mid ah calaamado ma laha waxaana baadhistani isku dayaysa inay ogaadaan tirada dadkaasi. Iyadoo dadka qaarkoodna uu ugu dhaco si fudud, Waxaana qiyaastii lagu sheegay in  tiro 0.5-1% ay u dhintaan.

Kaydka Shaybaadhka UK Biobank waxa uu kaydiyay dhiig, kaadi iyo dhacaanka candhuufta oo laga qaaday 500,000 oo qof oo si iskood ah ugu tabarucay.

Keydkan wuxuu hore gacan uga geystay in la ogaado cudurro ay ka mid yihiin kansarka, faaligga iyo xanuunno ku dhaca maskaxda. Wakhtigan waxa uu wadaa xoga ku saabsan Covid-19.

(flipboard.com)

Leave a Reply