Baligubadle 7 Qof oo Jeelka loo Taxaabay

0
1037

Baligubadle (Dawan) Isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Hawd Xasan Cali Xuseen, ayaa jeelka u taxaabay qaar ka mida dad si sharcidaro ah u ootay dhul daaqsimeedkii, xooluhu ay ku baxayeen xiliyada kala duwan ee Gu’ga iyo Jilaalka ee degmadda Gunburaha.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay cagta mariyeen oo ay baabi’iyeen beer uu lahaa gudoomiyaha degmada Gunburuhu, si ay caddaaladu u ahaato mid loo wada siman yahay.

Isu-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Hawd Xasan Cali Xuseen waxaa uu caddeeyay in 7 qof ay jeelka u taxaabeen i ta hadhayna ay soo xidhayaan oo sharciga la horkeeni doono “Beertii laga cabanayay oo uu laha duqa degmada Gunburuhu iyadana sharciga ayaanu mariney, si bulshada deegaanka iyo dadka kaleba aanu u tusno in aanu cadaalad ku shaqeynayno, xukunkuna mid madaxa iyo ku miskiinaba uu wada taabanayo, sharcigayaguna uu sidaasi ku shaqeynayo, 7 qof ayaanu jeelka u taxaabnay inta kale hadhayna waxaan leeyahay xadhiga kuwaasi aan ku fuliyay ayaan idinku fulinayaa ku sii bushaareysta”

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka qaar ka mida dadkii beeraha sida sharci daradda ah u oodanayay ee jeelka magaalada Baligubadle loo taxaabay/xuquuqda sawirka Tv-ga Horn Cable
Sawirka magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd/xuquuqda sawirka Wargeyska Dawan

Leave a Reply