Dabley Hubaysan oo Weeraray Duqa Degmada Borama

0
790

Borama (Dawan) Wararka aanu ka helayno magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal ayaa sheegaya in dabley hubeysan oo aan ilaa hada heybtooda la garaneyn ay goor danbe oo xalay weerar ku soo qaadeen hoyga uu magaalada Borame ka degan yahay duqa degmadda Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi.

Rasaastii ay dableydu guriga ku fureen ayaan ilaa hada cidi waxba ku noqon, marka laga reebo burbur soo gaadhay gidaarka guriga.

Ilaa hada laamaha amaanka ee gobolka Awdal kamay hadal, balse xaalada ayaa ah mid hada degan.

Wixii warar ah ee danbe ka soo kordha waxaad kala socon doontaan inta aynu ku guda jirno baahinteena,baahintiina, baahintayadda

Khadarhoryaal@gmail.com

Dawan/Hargeysa/Office

Sawirka Duqa degmada Borama mudane Saleebaan Xasan Xadi

Leave a Reply