Gabadh Ka Caafimaaday Xanuunka Korona Fayras Oo Ka Sheekaysay Xanuuno Uu Kaga Tegay Xanuunkani.

0
582

Tracey Penny oo ku nool Barriga  Lothian oo ka tirsan Scotland ayaa ka caafimaaday xanuunka Korona Fayras  , kadib markii uu in muddo ah hayey , waxaanay sheegtay in ay muddo 4 toddobaad ah u xanuunsanaysay xanuunkan.

Gabadhan  oo u warantay wargeyska The Mirror oo uu qormadan wargeyska Dawan kasoo xigtay ayaa sheegtay in markii ay ka bogsatay xanuunka Korona ay isku aragtay xanuuno kale oo ay kamid yihiin xanuuno kaga dhacay Neerfaha iyo Xanguleyaasha dareenka .

Gabadhan ayaa sheegtay in ay jiraan isku yaac dhinaca maskaxda ah oo ay dareemayso, gaar ahaana waqtiyadda ay Fadhido iyo waqtiyadda ay taagan tahay , waxaanay sheegtay in arrintaasi ay dhib weyn ku hayso dareemeyaasha maskaxdeeda, isla markaana aanay waxba go’aansan Karin.

Qof kale oo isna kamid ah dadka xanuunkan ka bogsaday oo la xidhiidhay gabadhan iyo wargeyska The Mirror ee uu qormadan wargeyska Dawan kasoo xigtay ayaa isna sheegay in uu isku arkay xanuunkan  kadib markii uu ka bogsaday xanuunka Korona Fayras.

Mrs Tracy ayaa xanuunka soo food saaray ka dhigay mid aan shaqaysan Karin, waxaanay tilmaantay in ay maskaxda ka daalayso , iyada oo warbixin ay dhowaan soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO lagu sheegay in baadhitaan lagu sameeyey 55,924 oo qof  oo xanuunkan ka bogsaday lagu arkay xanuunada ay gabadhani ka cabatay.

Leave a Reply