Shirkadda Huwaawi Ee Dalka Shiinaha Oo Soo Saartay Taleefankeeda Cusub Ee P40 Pro Oo Aad Uga Duwan Taleefanadeedii Hore.

0
885

Taleefankan ay soo saartay shirkadda Huwaawi ee P40Pro ayaa ah mid shaashadiisa aad loo adkeeyey , laguna sameeyey muraayad adag, iyada oo hareeraha laga raaciyey xabag loogu talo galay in aanay waxyeelo soo gaadhin haddii uu ka dhaco qofka sita, waxa uu sidoo kale xaga hore ku lee yahay  kamarad iyo Flash .

Shaashada taleefankan ayaa ah 6.58 Pixel , iyada oo dherer ahaana u noqon karta 2640 ilaa 1200 Pixel , waxaana laga dhigi karaa 441 Pixel haddii loo baahdo, iyada oo shaashada la soo dhigi karo sawiro 90 Heertis ah markeliyaata.

Taleefankan ayaa u adkaysan kara Biyaha, boodhka iyo waxyaalaha kale ee waxyeeladda soo gaadhsiin jiray taleefanada gacanta, iyada oo lagu xidhay muraayad yar oo ka celinaysa waxyaalahaas oo dhan oo lagu magacaabo Ip68.

Dhinaca dambe waxa uu taleefankani ku lee yahay afar kamaradood oo kala duwan, mid walibana si gaar ah wax u sawirayso una duubayso, waxaana kamaradahan si gaar ah u samaysay shirkadda Layka ee Jarmalka,.

Kamarada kowaad ayaa ah mid 50 Mega Pixel ah, taas oo ku shaqaynaysa midabka loo yaqaano RYYB oo ah midab aad usoo jiidasho leh , marka dhinaca sawiradda la eegaayo, halka ay kamarada labaad tahay 40 Mega Pixel .

Kamarada saddexaad ayaa ah 12 Mega Pixel, waana kamarad loogu talo galay in lagu qaado sawiradda dhow dhow , waxaanay qadi kartaa ilaa shan sawir oo kala duduwan, kuwaas oo ilaa shan jeer oo kala duwan la qaadi karo, iyaga oo masaafo ahaan kala duwan, waxaana lasoo dhoweyn karaa sawiradda kamaradani qaadao 1 mar, 5 jeer, 10 jeer ila 50 jeer.

Kamarada afraad ayaa loo yaqaanaa TOF, waana kamarad lagu sawiro sawiradda loo yaqaano Portrait-ka ,waana  kamarad loogu talo galay in sawiro taagni uun ah lagu galo, waana mid sawiradda qurxisa.

Qaybta hore taleefankani waxa uu ku lee yahay laba kamaradood oo iyaguna kala duwan, kuwaas oo ah 32 Megapixel , kuwaas oo iyagana lagu geli karo sawiradda Portrait-ka ah, sidoo kale kamaradaha hore ayaa lagu duubi karaa Muqaalo kala duwan oo uu qofku iskaga duubi karo, muqaaladaas oo ay u duubayso habka 4K-da oo kale , isaga oo talefankan ay soo saartay shirkadda Huwaawi wata Barnaamij lagu magacaabo Meet time oo ah mid lagu xidhay Kamaradaha hore , qofkuna uu dadka kale ula sheekaysan karo isaga oo aan kamaradaha dambe isticmaalayn.

Kamaradaha dambe ayaa iyaguna duubi kara Muqaalo 4K ah oo kala duwan .

Waxyaalaha mobile –kani duubaayo ayaa noqon kara kuwo la kala duwaayo dhaq dhaqaaqooda, iyada oo marba hab gaar ah loo duubaayo , waxaana lagaga maarmi karaa Barnaamijyadii muqaaladda loogu samayn jiray xarakaadka qurxinta ah , waxa uu sidoo kale ka dhigayaa HD , isaga oo u duubaaya muqaalka HD-ga ah sidii uu u duubi jiray taleefankii hore ee shirkadda ee P30PRO oo ay hore shirkaddani usoo saartay.

Taleefankan ayaa ah mid adag, waxaanu si fudud ugu shaqayn karaa shabakadda 5G-ga , isaga oo wata Barnaamij la yidhaahdo Kirin990 5G, kaas oo ah 7 nano Mitir, waxa uu sidoo kale mustaqbalka ku shaqayn karaa shabakada Wifi 6+ oo ah shabakad dhinaca Internet-ka ah.

Taleefankan ayaa RAM-kiisu yahay 8GB, halka labadiisa Memory ee Gudaha iyo dibaddu yihiin 128 GB iyo 256 GB, iyada oo si fudud loogu kordhin karo Memory-yo kale oo dibadda ah , kuwaas oo dheeraad u noqonaaya.

Taleefankan ayaa sidoo kale wata qayb laga furi karo oo lagu furaayo Farta, taas oo loogu talo galay dhinaca amaanka, waana mid ka dhaqso badan qaybihii amaan ee taleefanadii hore ee shirkadda Huwaawi, waxa uu sidoo kale lee yahay qayb lagu garan karo Wejiga oo isna dhinaca amaanka loogu talo galay.

Dhinaca Baytariga , waxa uu qaadan karaa saacadii dab dhan 4200 Miliambeer , waxaanu u jaajar garaysmi karaa hab deg deg ah , isaga oo qaadanaaya dab dhan 40 Waat, waxaanu wataa qalab lagu dabaynaayo oo dhulka loo dhigaayo, si fududna cadceeda uga qaadan kara dabka.

Waxyaalaha kale ee uu taleefankan Huwaawi isticmaalaayo, kuna jira ayuu ka mid yahay Barnaamijka Google Assistant , kaas oo ay shirkaddani soo saartay ka hor intii aanay shirkadda Maraykanku soo saarin Barnaamijkan , waxaana noqday taleefanadii ugu horeeyey ee Barnaamijkan yeesha taleefanadan P40 , isaga oo dadka si fudud uga caawin kara waxyaalaha ay u baahdaan, waxa uu sidoo kale wataa Barnaamij kale oo lagu magacaabo Hey Siiliya , kaas oo loogu talo galay in uu qofka u fuliyo waxa uu amro, isaga oo cod ahaan ku amraaya, waxaanu ku sheegi karaa Balamahaaga oo uu jadwal kugu samaynaayo ama xidhiidhinta Internet-ka oo uu ku xidhiidhinaayo , isaga oo sidoo kalena si deg deg ah wax kugu turjumi kara.

Taleefankan P40 Pro ayaa noqonaaya mid u shaqayn kara habka Android 10-ka, isaga oo raacaaya habka ay taleefanada shirkadda Huwaawi raacaan ee 10.1.

Taleefankani ma wato Barnaamijka loo yaqaano Google Play-ga ,waxaanu taas bedelkeeda wataa Barnaamijka App Galary oo ay caan ku tahay shirkadda Huwaawi, kaas oo kaydin kara waxyaalo badan oo kamid ah waxyaalaha uu qofku ku shubto taleefankiisa, sida waxyaalaha ay kamid yihiin Twitter-ka, Facebook-ga , Whatsapp-ka iyo Snap Chat-ka.

Waxa uu sidoo kale wataa Barnaamij lagu magacaabo Maps Me , kaas oo lagu bedelay Google Map oo ah Barnaamij ay shirkaddaha kale ee Mobiles-ku isticmaalaan, waxaana iska kaashadan samaynta Barnaamijkan shirkaddan Huwaawi iyo shirkad kale oo Tom Tom la yidhaahdo oo laga lee yahay wadanka Holland.

Qiimaha taleefankan P40 Pro ee shirkadda Huwaawi ayaa ah mid maraaya waqtigan lacag dhan 9990 Yuuro.

Taleefankan P40 Pro ee shirkadda Huwaawi ayaa noqday taleefankii ugu dambeeyey ee ay sannadkan soo saarto shirkadda Huwaawi .

 

Leave a Reply