Hurdada Iyo Qaybta Xusuusta Ee Maskaxda!

0
717

Khubaro u dhalatay wadanka Japan ayaa soo gunaanaday daraasad saabsanayd hurdada iyo raadadka ay ku yeelato xusuusta dadka. khubaradan oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Tsukuba University ayaa sheegay inay ka eegayeen daraasadan intii ay wadeen dhinaca tayada maskaxda ee shaqada , sida qaybaha xusuusta ee maskaxdu xidhiidhka ay leedahay hurdada.

khubaradan waxay eegayeen waxyaalaha maskaxda dhex mara ee loo yaqaano  Delta Waves, kuwaas oo lagu tijaabiyey jiirka. Delta Waves ayaa ah mawjado ka yimaada maskaxda oo jidhka taga waqtiga hurdada lagu jiro,kuwaas oo inta badan ah kuwa keena inay xusuusto dib u soo noqoto,waxaanay khubaradani sheegeen in waqtiga hurdada, gaar ahaana hurdada lagu noq noqdo ay keento inay yaraadaan mawjadahaasi, taas oo qofku cidhiidhi ka qaado isla markaana noqdo mid cadhadu ku badato.

Leave a Reply