Xikmadaha

0
1037
  • Farxaddu maahan inaad hesho waxaad rabto waqti kasta ee waa inaad jeclaato waxaad haysatid kuna mahadnaqdid.
  • Haka murugoon haddii aad qof daacad u noqotay xittaa haddii aanu u qalmin in daacad loo noqdo qofkaasi, dadka qaar waxay moodaan doqonimo inay kaa tahay daacnimada.
  • Raali gelintu waa sifo dhif ah oo laga helo kuwa daacadda ah oo keliya.
  • Ha jeclaan qof aan Ilaahay . SW jeclayn. Haddii ay ka fogaan karaan Ilaahay adna way kaa fogaan doonaan.
  • Haku khasaarin wakhtigaaga qof aan rabin inuu wakhtigiisa kula qaybsado.Ma dhimaneysid haddii aad waydo qof aad jaceshahay Laakiin waxaad dhimaday marka aad waydo sharaftaada.

 

Leave a Reply