Khubarro U Dhalatay Ruushka Oo Tijaabisay Diyaarad Drones Ah Oo Loogu Talo Galay In Loogu Shaqeeyo Dadka Uu Haleelay Xanuunka Korona.

0
478

Khubarro u dhalatay wadanka Ruushka ayaa markii ugu horeysay tijaabisay diyaarad nooca aan ciddi wadin ah oo loogu talo galay in loogu shaqeeyo dadka uu haleelay xanuunka Korona Fayras, isla markaana lagaga shaqeeyo magaalooyinka xanuunkaasi aafeeyey.

Saynisyahanada  jaamacadda Tomsk State University  ayaa ikhtiraacay diyaaraddan gaarka ah ee loogu talo galay in lagula dagaalamo faafitaanka xanuunka Korona Fayras , gaar ahaana wadanka Ruushka , waxaanu tilmaamay afhayeen u hadlay jaamacaddan oo u waramaayey telefishanka RT oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan in diyaaraddan lagu qaadi karo dawooyinka iyo agabka kale ee lagula tacaalaayo xanuunka Korona Fayras, iyada oo lagu gaadhsiinaayo  magaalooyinka iyo degaanadda uu ku fidaayo.

Waxa uu afhayeenkani tilmaamay in isticmaalka diyaaraddan yari  u ogolaan doono Masuuliyiinta caafimaadka in ay helaan waqti dheeri ah iyo dadka oo ay si fudud u badbaadin karaan , madaama oo ay waqti qaadan jirtay inta dawooyinka la gaadhsiinaayo goobaha looga baahan yahay .

Sidoo kalena waxa uu sheegay afhayeenkani in diyaaradan ay ikhtiraaceen ardaydan iyo Saynisyahanada Jaamacaddani in ay awood u lee dahay in ay qaado culays badan , sidoo kalena ay si fudud u gaadhsiin karto goobaha looga baahan yahay .

 

 

 

 

 

Leave a Reply