Muraayad Farxadda La Shaqaysa!

0
934

Cilmi-baardhe Turkiga u dhashay oo lagu magacaabo Birk Elhan ayaa sameeyey muraayad cajiib ah oo muujisa wejiga qofka isticmaalaya  keliya markja uu dhoola cadeeyo. Wareysi telefishan CNN uu siiyay  Mr.Elhan ayaa sheegay in muraayadda loo sameeyay si gaar ah si loogu dhajiyo gidaarka ku beegan wajiyada bukaanka kansarka qaba oo inta badan murugo ku jira.

Muraayadda “ Smile Mirror” waxay leedahay kamarad taasi oo marka keliya ee ay kala baxayso ay tahay marka qofku ilka cadeeyo, iyadoo uu ku samaysan yahay xusuus haye “ Memory”.

Naqshadeeye, Burke Elhan, ayaa sheegay in fikradda muraayad ay ku dhalatay ka dib markii uu waraysi la yeeshay bukaanka xanuunka kansarka qaba. Waxaana u yidhi “Bukaanku wuxuu ii sheegay in ay adag tahay in ay isku eegaan muraayada inta lagu jiro maalmaha ugu horreeya ee la aqoonsado  xanuunka haya taasi oo murugo ku aburta.

Waxaana uu sheegay in muuqaalka wejigeenu uu xidhiidh iyo saamayn ku leeyahay  waxa ay maskaxdenu ka fikirayso, taasi oo markja uu ilaka cadeyo maskaxda u muqanaysa inay wax wanaagsani dhecen oo qofkana dejinaysa. Elhan hadda wuxu ku iibiyaa qiimaha  $ 2000 illaa $ 3,000 waxaana isticmlaa dhamaan isbitaaladad bukaanada kansarka ah daweeya. IYadoo uu sheegay in qiimahana hoos loo dhigo doono.

Leave a Reply