Xukuumadda Somaliland oo digniin adag u dirtay Maamulka Muqdisho

0
662

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in deeganadeeda aan laga fulin Karin barnaamij la yidhaahdo baxnnaano, oo dhawaan uu daahfuray Madaxweynaha dawladda taagta daran ee Soomaaliya .

War-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa lagu sheegay in deeqaha uu caalamku siiyo Maamulka Muqdisho ay u adeegsadaan falal lid ku ah amniga iyo qarannimada Somaliland Waxaanu u dhignaa sidan:-

 

“Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay ku wargelinaysaa Qaramada Midoobay , Midowga Afrika , Midowga Yurub iyo baanka Adduunka in barnaamijka maamulka Muqdisho ula magac baxay Baxnaano , kuna sheegay inay qaybo ka mid ah ka fulin doonan deegaanno ka tirsan Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay faragelin qaawan oo wax yeello ku ah amniga Somaliland , islamarkaana uu yahay barnaamij lagu marin habaabinaayo bulshada caalamka .

Dawladda Somaliland waxa ay uga digaysaa Maamulka Muqdisho isku dayga taagta daran ee ay ku rabto in ay ku farageliso qarannimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay cod dheer ugu sheegaysaa in uu maamulkaasi ka wantoobo sheegada caalwaga ah ee xuduudaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Dawladda Somaliland waxa ay si gaar ah uga Codsanaysaa Baanka Addduunka inuu ka fiirsado deeqaha la siiyo Maamuulka aan masuulka ahayn ee ka dhisan Soomaaliya kaas oo cadaystay inuu u adeegsado deeqaha iyo caawimooyinka aadane ee adduunka ujeedooyin gaar ah oo lagu khalkhalgelinaayo amniga iyo xasiloonida Somaliland.

 

Ugu danbayn dawladda Somaliland waxa ay si adag uga digaysaa cid kasta oo isku dayda in ay qayb ka noqoto isku dayga fulinta mashaaricda ka hor imaanaya madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland “

 

 

Leave a Reply