Madaxweynaha Tansaaniya Oo Diiday inuu Bandow Ku Soo Rogo Dalkiisa

0
637

Madaxweynaha Tanzania John Magufuli  ayaa ku gacan saydhay tallooyin lagaga codsanayo inuu bandow ku soo rogo wadanka gaar ahaan caasimadda Wadanka ee Daarul Salaam si looga hortega faafitaanka Cudurka Covid-19.

 

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in bandow lagu soo rogo magaalooyinka ay keeni karto inuu dhaawac weyni soo gaaro dhaqaalaha wadankaasi, balse ayan wax weyn ka tarayn yaraynta cudurka Covid-19

Wuxuu sheegay inay qaadayaan tallaabooyin looga hortegayo cudurka balse ayan soo rogi doonin bandow la saaro wadanka

Caasimadda Daarul Salaam ayaa ah xarunta ganacsiga iyo dekeda ugu weyn ee wadankaasi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Magufuli wuxuu ka codsaday Bangiga adduunka iyo hay’adda IMF in wadamada Afrika laga cafiyo deymaha lagu leeyahay si loola dagaalamo Covid-19.

Leave a Reply