Wasiirka Warfaafinta oo shacabka ugu baaqay in ay ka foojignaadaan cudurka Covid19

0
1840

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta ahna Afhayeenka Xukuumadda JSL Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ku guubaabiyey dadweynaha inay ka feejignaadaan Xannuunka COVID 19. Waxa kaloo uu baaqyo kala duwan u jeediyey Ganacsatada iyo Xirfadleyaasha Caafimaadka.

SidaasIna waxa uu ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa, waxaanu halkaasi ka akhriyey warmurtiyeed uu soo saaray:

“Ilaahay ha innaga dhigo kuwa Fadaa’isha Bishan Barakaysan ee Ramadaan ee inoo billanaysa Eebe ugu naxariisto.

Walaalayaal, sidaynu la wada soconno Adduunyadu waxay la le’gdamaysaa Xannuunka COVID 19 oo noqday xujadii ugu cuslayd ee caalamka soo marta Qarnigan 21-aad, kaasi oo dalalka caalamka ee xagga dhaqaalaha ku kala horreeyey ka simay casharrada adag iyo duruufaha qalafsan ee laga korodhsaday Xannuunkan oo illaa maanta ku dhacay dad gaadhaya 2 Milyan, 638 Kun oo qof oo ku kala nool caalamka oo dhan. Waxa xannuunkani sahayday 184 Kun iyo 235 qof shantii bilood ee u dambeeyey.

Marka la eego degdegsiimada uu COVID 19 ku fidayo iyo qaababka la iskugu gudbinayo oo fara badan waxa kuu muuqanaysa in warrankiisu aanu dhulka u dhacaynin oo uu yahay dillaa dabar jari kara qoysas badan iyo bulshooyinba.

Afrika Xannuunku wuxuu ugu fidayaa si isa soo taraysa waxaana la xaqiijiyey 24 Kun iyo 600 oo Kiis, dhimishaduna waxay toddobaadkan gaadhay Kun qof.

Dalkeenna iyo Xannuunka COVID 19:

illaa imika waxa Jamhuuriyadda Somaliland la caddeeyey inuu xannuunkani marayo 6 qof oo laga helay xannuunka iyo 13 qof oo baadhitaankoodii loo diray dibadda. Sidaas darteed, waxaynu joognaa marxalad loo baahan yahay inaynu Qaran ahaan Maskax, Muruq iyo Maalba iskugu geyno sidii loo xakameyn lahaa Inta aanu Fayraskaasi sadhaynin bulshadeenna isla noosha ah ee ay suurtowdo in Toban qof iyo ka badani ay wada degan yihiin guri kaliya oo dantu ku qabatay.

Inkasta oo khubarrada iyo Mihnadleyaasha Caafimaadku ay kor iyo hoosba innoogu soo gudbiyeen asbaabaha xannuunkani ku fido iyo siyaabaha looga hortagi karo, hase ahaatee waxa weli jirta in aynaan sidii la rabay ugu camal-falin Tallooyinka iyo Tilmaamaha bahda Caafimaadka. Kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin joojinta salaanta gacmaha, in la badiyo faroxalka, yareynta goobaha bulshada badani iskugu timaado iyo in la isku jirsado masaafo laba Mitir ah.

Xukuumad ahaan, waxaan mar kale cod dheer ugu baaqaynaa dadweynaha inay u hoggaansamaan Tilmaamahaas ma dhaafaanka ah oo ah jidka aad ku badbaadinayso naftaada, nolosha Carruurtaada, Qoyskaaga iyo Mu-huraankaaga oo aad wakhti yar ku sadheyn karto dad badan haddii aanad feejignayn. Waa inaad xaqiiqsataa inuu xannuunku ina soo galay oo uu magaalo kasta oo Somaliland ah uu joogo.

Sidaas darteed, Walaalayaal fuliya awaamiirta dhakhaatiirta, iyadoo Qaranku abaal ugu hayo qof walba siduu qoyskiisa ugula dedaalo ka hortagga Coronavirus, maadaama oo diinteenna Suubani dhiirigelisay ‘In ka Hortaggu ka Wanaagsan yahay Daweynta.’

Waxa kaloo, tusaale nool inoo ah in dalalka yareeyey halista xannuunkani waa kuwo bulsho ahaan ismaqalkoodu marka horeba uu sarreeyey, haddiise ismaqalku innaga gaasirmo waa hubaal in dedaalkeennu weyddoobi doono.

Xirfadleyaasha Caafimaadka:

Haddii aanu nahay Guddida u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka Coronavirus ee JSL, waxa aanu mihnadleyaasha caafimaadka sida; Dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha aan u shaqeyn dawladda ku boorrinaynaa inay iska diiwaangeliyaan Gobollada ay ku sugan yihiin oo ay qoraan ciwaannadooda, si loogu yeedho xilli kasta oo loo baahdo. Waana ammintii ay aqoontooda ugu adeegi lahaayeen Waddankooda oo baahidii u weynayd u qaba xilligan.

Ganacsatada & Maalqabeennada:

Walaalayaal, taariikhdu maanta iyadaa is qoraysa. Qof waliba inta uu shacbigiisa u taro ayaa diwaanka u geli doonta,loona tirin doonaa. Waxa waayuhu dhallayaan geesiyaal hor leh oo maalmahan adag u soo baxaya Jamhuuriyadda Somaliland. Ganacsade kastaa inta uu kartidiisa kula dabaasho ummaddiisa taasina ay dhito u noqon doonta dhegtiisa dambe. Waxaan ILAAHAY idiinka baryayaa inaydaan noqon kuwo gaba masuuliyadooda.

Waxaa idin hortaalla qaddiyad ay tahay inaad u fahantaan badbaado ummaddeed, taasi oo haddii aad ajiibtaan aad ku kasban doontaan abaal qaran marka laga soo doogo Tabaalaha Xannuunka. Waxa kaloo banka Qiyaame EEBE idinkaga faydi doonaa culayska maalinta Kontonka Kun ee Sannadood u dhiganta.

Leave a Reply