Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo soo dhaweeyey go’aanka Xukuumadda ee Cashuur-dhimista

0
492

Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa xukuumada Somaliland ku bogaadiyay go’aamada cashuur dhismata ay u samaysay Raashinka daruuriga ah ee dalka imanaya.
Wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire, ayaa jimcihii shaaca ka qaaday in ay dawladdu cashuur-dhimis 20% u samaysay Ganacsatada soo dejisa raashinka daruuriga ah.
Gudoomiyaha Rugta ganacsiga Somaliland, ayaa ku amaanay wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland kaalinta waxtarka leh ee uu ka qaatay sanduuqa lagu taakulaynayo dadka danyarta iyo Ganacsatada yar yar, waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay talaabada ay xukuumadu ku doonayso in lacag hal Milyan oo dollar ah wax kaga iibasto dalaga beerlayda wadanku ay soo saaraan.

Waxa gudoomiyuhu uu geesta kale ugu baaqay bangiyada iyo ganacsatada waaweyn ee deymaha bixiya in ay ka sugaan islamarkaa ay hoos u eegaan dadka ay daymaha ku leeiyhiin, waxaanu usoo jeediyay gabacstada iyo tijaarta dalkaba in ay kaalintooda ka qaataan qaadhaanka lagu taakulaynayo Sanduuqa loogu talo galay kahor-tagga xanuunka corona Virus-ka, isla markaana ay laban laabaan Sadaqada iyo Sakooyinka .

Ugu danbayn gudoomiyuhu waxa uu bulshada Somaliland iyo shucuubta islaamka ku hanbalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan.

Leave a Reply