Maayarka Laascaanood Oo Sheegay In La Musuq Maasuqay Raashin Caawimo Ahaa

0
503

Laascaanood (Dawan): Maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale, ayaa sheegay in la musuq maasuqay raashin mucaawimo ah oo loogu tallo galay in la gaadhsiiyo bulshadda magaaladaasi.

Waxaanu maayarku arrinta musuqa raashinkaasi ku eedeeyay masuuliyiinta hay’adda ka hor taga aafooyinka iyo kaydka raashinka qaranka Somaliland.

Raashinkaasi caawimadda ah oo ay soo bixisay dawladda Sucuudiga ayuu maayarku sheegay in raashinkaasi ay Laascaanood ka soo gaadheen wax yaroo faro guudkood ah, isla markaana aan la ogayn meesha la geeyay saamigii loo qorsheeyay bulshadda degaamadda gobolka Sool.

C/casiis Xuseen Taarwale, oo maanta warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa ayaa ugu baaqay xukuumadda in lala xisaabtamo raashinkii mucaawimadda ahaa ee loo qoondeeyay Laascaanood halka ay geeyeen masuuliyiinta hay’adda kaydka raashinku.

Daawo Maayarka Oo Arrimahaas Ka Hadlaya:

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply