Shaaha Oo La Ogaadey In Uu Yareeyo Xanuunada Wadnaha Ku Dhaca.

0
712

Saynisyahano ka socday jaamacadda University of Gothenburg ayaa daraasad ay dhowaan sameeyen  natiijadii kasoo baxday waxay ku sheegeen in Shaahu uu ka qayb qaato cimriga qofka , waxaanay tilmaameen in uu yareeyo xanuunada wadnaha ku dhaca.

Saynisyahanadan ayaa sidoo kale tilmaamay in Shaahu qayb weyn ka qaato cimriga qofka oo dheeraada , sida ay ku sheegeen natiijada daraasadan oo ay ku daabaceen wargeyska arrimaha caafimaadka ka hadla ee Preventive Cardiology Journal, waxaanay sheegeen in intii ay daraasadan wadeen ay su’aalo weydiiyeen 750,000 oo qof, kuwaas oo rag iyo dumarba isugu jiray, da’dooduna u dhaxaysay 28 sanno ilaa 79 sanno, waxaanay khubarradani eegayeen balwadaha ay lee yihiin dadkani, sida in ay sigaarka cabaan, waxbarashadooda, waxyaalaha ay qabtaan , culayska jidhkooda, dhererkooda  caabiga dhiigooda iyo in ay Beer Subag lee yihiin iyo in kale.

Khubarradan ayaa sheegay in khatarta ay dadkani ugu jiraan wadne xanuunku ay tahay 15%, taas oo aad u hoosaysa, gaar ahaana dadka caba Shaaha , halka dadka aan cabin Shaahuna ay khatar badan ugu jiraan xanuunada wadnaha ku dhaca, waxaanay kula taliyeen in aanay shaaha ku fadhisan markay cabaan ee loo baahan yahay in ay ku shaqeeyaan.

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply