Xukuumadda Oo $1 Milyan u Qorsheysay Ganacsatada Yaryar Ee Coronavirus Uu Saameeyay Iyo Qiime Dhimis Cashuureed Oo Loo Samaynayo Raashinka Daruuriga Ah

0
1641

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay in xukuumaddu go’aansatay qiime dhimis cashuureed oo loo samaynaayo 20%  raashinka daruuriga ah

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa ka warbixiyey qorshe ay ku taakulaynayaan ganacsatada yar yar iyo dadka danyarta ah ee reer Somaliland ee uu saamaynta ku yeelan karo xanuunka Korona Fayras.

Waxa uu wasiirku sheegay in xukuumaddu go’aansatay qiime dhimis cashuureed oo loo samaynaayo 20%  raashinka daruuriga ah , waxa kale oo uu wasiirku tilmaamay in dawladdu samaysay sanduuq laga taakuleeyo dadka dhibaatada dhaqaale ay kasoo gaadhey xanuunka Korona Fayras, waxaanu wasiirku intaas raaciyey in dawladu ay ugu talo gashay in sanduuqaas ay ugu tabarucdo lacag dhan 1 Milyan oo Dollar.

Wasiirka ayaa sidoo kale caddeeyey in dawladdu ay samaynayso sanduuq loogu talo galay in laga taakuleeyo ganacsatada yaryar ee ganacigoodu uu kaga baaba’ay ama hoos ugaga dhacay intii xanuunkani dalka soo galay, waxaanu tilmaamay in sanduuqaas ay dawladdu ku shubi doonto 1 Milyan oo Dollar.

Sanduuqa hore loo sameeyey ee loogu talo galay la dagaalanka iyo ka hortaga xanuunka COVID-19  ayuu sheegay wasiirku in lagu shubi doono 1 milyan oo Dollar oo kale,  iyada oo hore sanduuqaas loogu shubay 500,000 oo Dollar.

Dawooyinka iyo agabka caafimaad ee lagula dagaalamaayo xanuunka COVID-19 ayay sidoo kale dawladdu cashuur dhaaf u samaysay, sida uu sheegay wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland.

Dhanka kalena wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland waxa uu dadka ganacsatada iyo maalqabeenka ah ka codsaday in ay sako iyo sadaqo kaga qayb qaataan tabarucaadka lagu taakulaynaayo dadka uu saameeyey xanuunka COVID-19.

Baananka daymaha bixiya ayuu ugu baaqay Wasiir Sacad Cali Shirre in ay ka khafiifiyaan macaamiishooda shuruudaha daynta, isla markaana ay waqti ugu daraan dadka ay daymaha ka sugayaan.

Leave a Reply