Beeralayda Shiinaha Oo Beerahooda Ku Buufinaaya Diyaaraddo Drones Ah.

0
755

Beeralayda dalka Shiinaha ayaa bilaabay in ay beerohooda kaga shaqeeyaan diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drones ka , iyaga oo u isticmaalaaya habab kala duwan , gaar ahaana hababkii markii hore gacanta laga qaban jiray.

Qaababka ay beeralaydani u adeegsanayso diyaaraddahan waxa kamid ah in ay saarto Sunta lagu buufiyo cayayaanka, iyada oo lagaga buufinaayo beerahaasi , waxa kale oo loo adeegsan doonaa dhinaca waraabka  iyo jarida midhaha, waxaanay beeralaydani qaban doonaan shaqooyinkan iyaga oo gurhayooda fadhiya.

Kooxda lagu magacaabo China’s Eagle Brothers oo iyagu fulinaaya Barnaamijkan ayaa sheegay in ay goobaha beeraha ugu badani ku yaalaan tegi doonaan bisha September ee sannadkan , iyaga oo hawlgalo shaqo ka fulin doona.

Qoraal kooban oo ay ku qoreen wargeyska Chine Daily oo uu qormadan kasoo xigtay wargeyska Dawan ayay ku sheegeen kooxdani in ay beeralayda u qaybin doonaan lambaradooda ka shirkad ahaan, isla markaana marka ay u baahdaan la soo xidhiidhi doonaan, iyaga oo u sheegaaya midhaha ay jarayaan nooca ay yihiin, halka ay beerto ku taalo iyo nooca cayayaanka ah eek u dhashay.

Shirkadda ayaa isla waqtigaasi u diri doonta diyaaraddaha Drones ka ah ee aan cidi wadin, iyaga oo beerta loo tilmaamo ka qaban doona shaqada looga baahan yahay, shaqadda ka dibna ay ka qaadan doonaan dadkaasi beerta leh lacagta shaqadda.

Sidoo kale shirkadda ayaa gobolka Hubei ee isla dalkaasi Shiinaha kaga hawlgeli doonta diyaaraddo ka badan 1000 diyaaraddood , kuwaas oo xaruntoodu noqon doonto magaaladda caasimadda u ah gobolka, waxaanay ka qayb qaadan doonaan horumarinta beeraha , madaama oo gobolkaasi yahay gobol qani ku ah beeraha, sida madaxda shirkaddu sheegtay.

Khubarradda Beeraha ee dalkaasi ayaa aaminsan in habkani yahay mid ka faa’iido badan, kana amaan badan habkii hore ee qadiimiga ahaa oo ay dadkaasi isticmaali jireen, sidoo kale ay dhinaca waraabka kordhin doonto qaabkani 40%, halka uu wax soo saarkuna  ka badan doono intii uu ahaa in ka badan 50 jeer.

Dalka Shiinaha ayaa waqtigan hoy u ah 300 Million oo Beeralay ah , sida lagu cadeeyey warbixintii ugu dambaysay ee ay dawladda Shiinuhu soo saartay sannadkii 2019-kii dabayaqadiisii.

 

Leave a Reply