Gooni-u-goosadka Yemen oo Koofurta kaga Dhawaaqay Dowlad u gaar ah

0
552

Kooxda gooni-u-goosadka dalka Yemen ayaa Axadda maanta ku dhawaaqay in ay Koofurta dalka ka sameeyeen is-maamul ay iyaga xakumi doonaan, taasoo meesha ka saareysa heshiiskii ay dowladda la saxiixdeen dhamaadka sannadki hore.

Golaha Kumeel-gaadhka ah ee Koofurta ee loo soo gaabiyo (STC) ayaa ku eedeeyay dowladda Yemen in ay ku guuldarreysatay qabashada waajibaadki loo igmaday, iyo in ay wadday hagardaamo ka dhan ah koofurta, sidaasi daraadeedna ay xalay saqdi dhexe kaddib uu dhaqan galay ismaamulka koofurta Yemen.

Bayaan kasoo baxay Golaha STC ayaa lau sheegay in dowladda kumeel-gaadhka ah ay hadda maamuli donaan guddi ay iska soo dhex-magacaabeen, kuwaasoo fulin doona amarka madaxa sare ee Golaha.

Dadka ku nool magaalada Caden ayaa sheegay in kooxda Gooni-u-goosadka ay ciidamo fara badan ku soo daadiyeen magaalada, sidoo kalana ay baro koontarool oo kala duwan ka sameysteen wadooyinka magaalada iyo xarumaha dowladda, sida bankiga dhexe iyo dekedda Caden.

 

Go’aankan ayaa waxaa markiiba cambaareeyay dowladda uu madaxda ka yahay Cabdurabbu Mansoor Hadi. Wasiirka arrimaha dibadda Yemen Mohammad al-Hadhrami ayaa sheegtay in kooxda gooni-u-goosadka oo in mudda ahba ku taameysay madaxbannaani ay helaan dadka reer Koofureedka, ay qaadi doonto mas’uuliyadda khasaaraha iyo burburka ay keeni doonto arrintan.

Hadalka kasoo yeedhay kooxda Gooni-u-goosadka Yemen ayaa yimid, xilli uu İsbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo ee taageera dowladda Yemen uu si iskiis ah ugu dhawaaqay xabad-joojin, inta lagu guda jiro Coronavirus, hase ahaatee waa go’aankaasi diiday Kooxda Xuutiga Yemen.

Leave a Reply