Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo Jawaab Kasoo Saartay dad laga Baadhay Coronavirus

0
745

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo ka warbixiyey xaalada caafimaad ee Covid-19 ayaa sheegay in kordheen dadka lasoo xidhiidhaya xarunta talo bixinta ee cudurka Coronavirus.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka oo xafiiskiisa kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay baadhitaanada kow iyo toban qof oo loo diray debadda si looga hubiya cudurka Coronavirus laga waayey dhammaantooda.

Dr Xargeeye ayaa sida oo kale  sheegay in lixdii qof ee hore xanuunka looga helay uu ka bogsaday qofkii labaad islamarkaana ay wanaagsan tahay xaaladda afarta qof kale .

 

 

Leave a Reply