Tog-wajaale oo lagu gubay Jaad si sharci daro ah u soo galay

0
867

Maamulka gobolka Gabiley iyo ka degmada Tog-wajaale oo kaashanaya ciidanka Booliska oo gubay Qaad si sharci daro ah oga soo gudbay xadka xiligan oo Somaliland laga joojiyey Qaadka Xannuunka Korona Fayras awgii.

Sida uu ku soo waramay wariye Ayaanle Xaaji oo wakaaladda wararka Somaliland ee Solna uga soo warama gobolka Gabiley waxa meel fahgaare ah lagu gubay Qaadkaas sida sharci darada ah looga soo gudbiyay xadka.

Ugu horayna waxa halkaas ka hadlay taliyaha qaybta ciidanka booliska ee gobolka Gabiley Axmed C/laahi Cabdi, oo sheegay inay ciidanka Boolisku soo qabteen Bajaaj sida Jawaan Qaad ah oo ay ku jireen toban kiiloo, wuxuuna intaas ku daray in gacanta lagu dhigay qof dumar ah oo sidatay Qaadkaas isla markaana xabsiga loo taxaabay, iyadoo Bajaajtii sidayna dawladdu la wareegtay Qaadkiina lagu gubay meel fagaare ah, wuxuuna taliyuhu intaas raaciyey in amarkii dawladda ka soo baxay uu sidiisii u soconayo lana fulinayo.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay guddoomiyaha degmada Tog-wajaale Xaashi Maxamuud Cabdi oo sheegay inay ka maamul degmo ahaan ay ku garab taagan yihiin ciidanka Booliska talaabo kasta oo ay kula dagaalamayaan Qaadka sida sharci darada ah ugu soo gudbaya Somaliland, wuxuuna bulshada degmadaas ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidanka Booliska.

Gabogabadii waxa halkaas ka hadlay guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabiley Cali Cabdi C/laahi (Cali Case) oo sheegay inay fuliyeen amarkii dawladda ka soo baxay ganacsatadii markii hore ka ganacsan jiray Qaadka, balse dadka ku hawlan inay Qaad keenaan ay yihii dad cusub oo doonaya inay si sharciga baal marsan u soo galiyaan dalka, wuxuuna intaas raaciyey in sharciga la horkeeni doono cidii ku gafta go’aanka xukuumadu ku joojisay Jaadka, wuxuuna fariin digniin ah u diray dadka ku hawlan inay sharciga jabiyaan si ay Qaad u keenaan, isagoo sheegay in gacan bir ah lagu qaban doono cidii iska dhago marisa go’aanka dawladdu qaadatay.

Leave a Reply