Boqorka Amray In Guurka la Badiyo

0
626

Boqorka Mswati III oo xukuma dalka Swaziland ayaa raga dalkiisa ku amray inay guursdaan laba dumar ama wax ka badan.  Boqorka ayaa sheegay in sababtu tahay iyagoo dumarkii aad u batay oo loo baahan yahay in gabadha kasta ay hesho nin guursada.

Boqrorkan ayaa isagu leh 15 xaas iyo 25 caruur ah , waxaana uu ka dhaxlay boqortinimada aabihii.

Aabihii ayaa isagu lahaa 70 xaas iyo 150 caruur. Boqorkan ayaa sheegay in qofkii rag iyo dumar kuu doono ha ahaade ka hor yimaada amarkan uu mutaysan doono xadhig xabsi daa’in ah. 

Dalkan ayaa weli dhaqan ahaan dumarka u arka kuwo looga talo galay inay caruur dhalaan keliya.  Guurka badan ayaa la sheegay in dalkan u horseeday qalaalse iyo rebshado madaama saboolnimadu ay tahay mid xoogan.  (africanexponent.com)

Leave a Reply