Somaliland: Tirada Dadka uu Hayo Covid_19 oo Hoos u Dhacday

0
800

HARGEYSA-  Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in Qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Dunida ku faafaya ee Covid_19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Saxaafadda la wadaagay War-bixinta Maalinlaha ah ee la xidhiidha xanuunka Covid_19, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin Wasaarad ahaan in qofkii saddexaad uu ka bogsaday Xanuunka Covid_19.

Qofkan saddexaad ee Agaasimuhu sheegay inuu ka bogsaday xanuunka ayaa hoos u dhigaya Tirada Dadkii uu Xanuunku Somaliland ku soo ritay, waxayna hadda noqonaysaa in saddex Qof oo keliya uu hayo xanuunku.

Leave a Reply