Ciidamada Qaranka oo Hawlgallo ka Sameeyeey Xuduuda Somaliland iyo Itoobiya

0
902

Hawgallo ay si wada jira ah ugu sameeyeen xuduuda ay Somaliland la wadaagto dalka Itoobiya Ciidamada booliska iyo kuwa Qaranka ayaa lagusoo qabqabtay jaad si sharci darro lagusoo gelinaayey dalka kaasi oo lagu gubay xarunta ciidanka booliska ee Magaalada Boorama.

Masuuliyiinta gobolka, degmada iyo saraakiisha ciidamadda,  oo madasha jaadka lagu gubay goob jog ka ahaan ayaa waxa ugu horayn waxaa ka hadlay Taliyaha qaybta Booliska Ganshaale sare Cabdiraxmaan Nuur Colhaye, oo sheegay in qaadkaasi lagu soo qabtay saddex gaadhi iyo sideed eedaysane kuwaasi oo sharcigana la horgayn doono iyada oo la fulinaayo awaamiirta guddida heer qaran ee ka hortagga iyo u diyaar garawga Coved-19.

 

Maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xaddi, ayaa bulshada Awdal ugu baaqay in laga wada shaqeeyo ka hortagga Coronavirus, go’aanka qaadka lagu joojiyayna uu yahay mid heer qaran ah loona baahanyahay in laga nasto bisha rabadaan.

 

Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in meel kasta oo la isaga gudbayo xadka Awdal la wadaagto Itoobiya Ciidamo la geeyay talaabo adagna laga qaadayo cid kasta oo falkaasi ku kacda, waxaanu u mahad naqay ciidamada kala duwan ee ka hawlgalay iyo Masuuliyiinta degmooyinka Dila iyo Qulu-jeed oo ka qayb qaatay sidii qaadkaasi loo soo qaban lahaa.

 

Leave a Reply