Ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo Soo Jilaabtay Markii ugu Horeysay Hal Tan oo Kalluun ah

0
675

Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, gaar ahaan saldhiga koowaad ee gobolka Saaxil ee magaalada Berbera ayaa dhawaan soo bandhigay kalluun tiro badan oo ay kasoo jillaabteen baddaha dalka, kalluunkaas oo xaddigiisu gaadhayo ilaa kun kiiloo oo kalluun ah.

Taliyaha ciidankka ilaalada xeebaha gobolka Saaxil, gaar ahaan qaybta koowaad Gaashaanle sare Haaruun Siciid Cali ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay jillaabashada kalluunka ee ciidanka, waxaanu yidhi. “Waxqabadkii ciidanka ilaalada xeebaha gaar ahaan saldhiga koowaad ee Berbera, ka dib markii ay soo baxeen xanuunnadan dadka aafeeyay ayuu taliyaha ciidanka ilaalada xeebuhu amar nagu siiyay in ciidanku iyaga oo ku jira hawl-qabadkooda ay dhinac wadaan wax soo saar, si haddii loo baahdo ay uga qayb qaataan gurmadka uu guud ahaan qaranku ku jiro, markaa waxaanu qaadnay tijaabadii ugu horeysay, waxaanu dirnay doon iyo laba unug oo ciidanka ilaalada xeebaha ka tirsan, waxay badda ku maqnaayeen muddo siddeed maalmood ah. badda iyo barrigu way kala duwan yihiin baddu waa meel aad u hawl badan, waa meel aad u kharash badan, waa meel adag, balse waxaanu muujinay inaanu samayno tijaabo, waxaanay ciidanku soo jilaabbeen kun kiiloo oo kalluunka noocyadiisa kala duwan ah.”

Isu-duwaha wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga ee gobolka Saaxil Axmed Xaaji Cabdilaahi (Nooje) ayaa sheegay inay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, wixii ay uga baahdaana ay la qaban doonaan, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay. “Annagu haddaanu wasaaradda xanaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga nahay, waxaanu wada shaeqeyn gaar ah leenahay ciidanka ilaalada xeebaha, waayo la’aantood baddaa weyn ma ilaalin karno, dhamaan qalabkii iyo awooddiina way haystaan, markaa wixii dheeraad ah ee mucaawino ah ee ay nooga baahdaan wasaarad ahaan, waa naga diyaar hadday shabaag tahay iyo qalabka kale ee kalluumaysigaba tahay.”

Taliyaha Ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Faarax Xiirane oo ugu dambayn halkaas ka hadlay ayaa mahad-naq ujeediyay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, gaar ahaan qaybta koowaad ee gobolka Saaxil, waxaanu sheegay in laga bilaabo hadda ay ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, qaybina ilaalin doonto ammaanka xeebaha dalka, qaybta kalena ay soo kalluumaysan doonaan, waxaanu intaas daray inay fulinayaan amarkii madaxweynaha Somaliland ee ahaa inay ciidanka ilaalada xeebuhu wax soo saar sameeyaan. Waxaanu yidhi taliyuhu. “Dhawaan madaxweynuhu wuxuu na faray maadaama ay ciidanku joogo baddo, adduunkiina kala xidhan jiro inay ciidanku shaqo tagaan, annagoo taa fulinayna meel walba amar baan siiyay, saldhiga koowaad ee Berberi waa saldhigii labaad ee fuliya amarkaas, waananu wadi doonaa Insha Allah.”

Leave a Reply