Saylici oo Shaaciyey Hankiisa Siyaasadeed

0
1005

Hargeysa– Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay inuu yahay murashaxa u taagan jagada guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye , ka dib muddo xileedka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Cabdiraxmaan Saylici oo Waraysi gaar ah siinayey telefashanka Maxliga ah ee UNIVERSAL Tv ayaa xusay in aanu hadda ka dib ahaan doonin malxiis dhisa caruuska oo uu uga jeeday inuu yahay murashax u taagan jagada guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

 

“Waxa igu jirta inaan guddoomiye ka noqdo Xisbiga Kulmiye oo cid iga xaq badan ma jirto oo aas aasan ahay” ayuu yidhi

Leave a Reply