Wasaarada Biyaha  oo Qalab Kala Wareegtay Haay’adda Care Intenatioinal

0
1407

 

Qore Khadar M. Xaashi

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland ayaa agab loogu talo galay in wax lagaga qabto dayactirka ceelasha dhaadheer, ee ay waxyeeladu soo gaadho.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Axmed Cabdi Ismaaciil , ayaa sheegay in qalabkan ay uga faa’iidaysanayaan xaaladaha deg degga ah ee ku yimaada Ceelsha Biyaha iyo kuwa cusub oo la qorshaynaayo isaga oo intaas ku daray in Hay’adda  “Maanta waxaa aanu si toosa ula wareegi doonaa qalab ay noogu tallo gashay hay’adda Care, oo aanu dooneyno in aanu wax kaga qabano baahiyaha biyaha, gaar ahaan waliba ceelasha dhaadheer, dayactirka ceelashii hore iyo kuwan danbeba waa ay naga caawin doonta”

Maamulaha maxadka culuunta biyaha ee wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland mudane Mustafe Ciise  ayaa  faahfaahin ka bixiyay tiradda mushiinadda lagu wareejiyay iyo sida ay wax weyn uga tari doonto baahiyaha dhanka biyaha “Mashruuca BMZ-ka la yidhaaho  uu nagu wareejinayo shan bam oo kala duwan, oo laba todoba iyo badh yihiin, labana shan iyo badh yihiin midna koob iyo toban kilo waat yahay.

Waxaa kale oo uu nagu wareejinayay beeb isugu jira  C-glass C oo GI ah, iyo Galas B I ah, dhammaan alaabtaasi iyo xadhkahoodii waayiradoodii lagu xidhiidhinayay oo BMZ-ku ay ugu talo galleen in wasaaradda biyuhu ay ku horumariyaan  Ceelasha wixii fadhiistay oo ay ku hagaajiyaan”

Xubno ka socday Hay’adda (Care International) ayaa sheegay in mashruucan oo socday muddo saddex sano ah kaas oo ay maal galinayso dawladda  Jarmalku iyaguna ay fulinayaan waxaanay sheegeen in la dayac tiray sadex Ceelasha dhaadheer ah oo ku yaala gobolka Sanaag halka sidoo kalena ay Sanaag ka dhiseen 10, Berkadood oo kuwa biyaha kaydiya ah “Mashruucan oo ay fangareyso dawlada Jarmalku Care-na ay fuliso wuxuu socday hada muddo saddex sano ah wasaaraddana waxaa aanu la laheyn wada shaqeyn waxaana ka mida ceelal ku yaala deegaanada gobolka Sanaag, dhawr iyo toban ceel oo gobolka Sanaag ahna la dayactiray, inkasta oo roobkii da’ay hadana ceelal badan oo xiligii abaarta jabnaa ayaa jiray, wasaaradduna si deg degga u rabbto in la soo dayactiro”

Leave a Reply