Trump oo Shiinaha ka doonaya magdhow la xidhiidha Covid19

0
677

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in laga yaabo inuu Shiinaha ka dalbado magdhow la xidhiidha cudurka Coronavirus ee kasoo billowday magaalada Wuhan ee dalkaas, kadibna ku faafay caalamka.

 

“Kuma faraxsanin Shiinaha. Kama faraxsanin xaaladda oo dhan sababtoo ah waxaana rumeysannahay in ay ku joojin kartay [fayruska], halkii uu ka yimid,” ayuu yidhi Trump oo weriyayaasha kula hadlay Aqalka cad.

“Waxaa loo joojin karay si dhaqso ah, kumana faafi lahayn caalamka oo dhan,” ayuu yidhi Trump oo sheegay inay jiraan siyaabo kala duwan “oo lagula xisaabtami karo Shiinaha”.

Trump ayaa wax laga weydiinayey faallo uu dhowaan daabacay wargeys Jarmal ah oo ku baaqay in Shiinaha ay Jarmalka siiyaan 165 bilyan oo dollar oo magdhow ah, sababo la xidhiidha khasaaraha dhaqaale ee uu sababay fayruska.

“Jarmalka waxbay eegayaan, annagana waxbaan eegeynaa, balse weli go’aan kama gaarin lacagta kama dambeysta ah,” ayuu yidhi Trump.

 

Leave a Reply