Maxkamada Gobolka Maroodi-Jeex oo Xukun ku Riday Shan Eedaysane

0
1149

Hargeysa-(Dawan)-Hoolka dacwadaha ee maxkamada gobolka Maroodi-jeex, ayaa lagu dhageystay dacwad loo haystay shan eedaysane oo si sharciga baal marsan Jaad u soo galiyey dalka iyo labadii Gaadhi ee lagu soo gudbiyey jaadkaas.

 

Garsoore Cabdisalaan Sheekh Xasan Axmed, oo dacwadaas ka garnaqayey ayaa sheegay inay eedaysanayaashu qirteen inay galeen dambigaas ah inay Jaad sharci daro ah dalka soo galiyeen isla markaasna lagu xukumay afartaas nin midkiiba saddex sanno iyo badh xadhig ah iyo ganaax lacageed oo dhan saddex milyan oo Somaliland Shillin ah midkiiba, halka eedaysanihii shanaad xoriyadiisa maxkamadu u celisay markii lagu waayey eedii loo haystay.

 

Waxa kale, oo uu garsooruhu ku dhawaaqay in dawladu la wareegtay labadii Gaadhi ee ay Jaadka ku wadeen xukusaneyaashu, kuwaas oo kala ahaa Landcruiser Bilaydh lambarkiisu yahay Z2460 iyo Gaadhi ah nooca loo yaqaano Dameer qadiye Bilaydh Lambarkiisuna yahay 61144, iyadoo Gawaadhidaas ay si rasmi ah maxkamadu ugu wareejisay ciidanka Booliska.

 

waxa uu garsoouhu intaas ku daray in la gubay Jaadkii ay xukunsaneyaashu dalka soo galiyeen, wuxuuna cadeeyey in go’aamadii ay soo saareen guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka hortagga xannuunka Korona Fayras uu yahay wareegto sharci ah, isla markaana cidii ku gafta marka la horkeeno maxkamada wixii ku cadaada lagu xukumi doono.

 

Waxa isna halkaas ka hadlay taliyaha Booliska ee degmada Gacan-libaax gaashaanle Khadar Faarax Cuamr, oo sheegay in maxkamdu ku wareejisay labadii Gaadhi ee ay ku soo qabteen Jaadka kootarabaanka ahaa, wuxuuna cadeeyey inay ka Bileys ahaan ay ku qanceen xukunkaas ay maxkamadu ku riday dambiile-yaashaas.

 

Geesta kale, xeer ilaaliyaha gobolka Maroodi-jeex C/fataax Yuusuf Cali oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dambiileyaashaas lagu xukumay dambiyadii ay xeer ilalintu ku soo eedaysay oo ahaa inay ku xadgudbeen wareegtadii ka soo baxday guddida heer qaran ee u diyaar garawga iyo ka hortagga xannuunka Korona Fayras, isla markaana ay ku qanceen xukunka ay maxkamadu ku riday.

Leave a Reply