Wax Ka Baro Xanuunka Macaanka

0
988

Qoraalkan waxa na soo gaadhsiiyey Dr.Maxamed Daahir Axmed oo dalka Suudaan wax ku soo bartay; ahna dhakhtar Ku takhasusay cudurada guud; islamarkaasina aqoon dheeraad ah u leh xanuunka macaanka; kana hawl gala xarun caafimaad oo Hargaysa ku taalla.

Saamayn intee le’eg ayaabaa xanuunka macaanku uu dunida ku yeeshay dhawr iyo soddonkii sanno ee la soo dhaafay?

Tirokoob ay samaysay hay’adda caafimaadka aduunku (WHO) waxa ay xustay, in Tirada dadka uu macaanku asiibay 1980-kii ay ahayd 108 milyan, halka 2014-kiina ay xustay in dadka macaanka qaba tiradoodu ay dhamayd 422 milyan.

Marka loo eego halbeegga caalamiga ah ee xanuunka macaanka, dadka ay da’doodu ka weyn tahay 18 sanno ee qaba xanuunka macaanku, waxa ay sarre u kaceen 1980-kii boqolkiiba 4.7%, intaa kadib 2014-kiina waxa ay sarre u kaceen boqolkiiba 8.5%.

Waxa aad sarre ugu sii kacaysay tirada dadka macaanku asiibay ee ku nool wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay iyo kuwa uu aadka u sii hooseeyo

Macaanku waa sababta koowaad ee keenta indho la’aanta, kelyo xanuunka, wadne xanuunka iyo faaligga.

2016-kii, dhimashooyin lagu qiyaasay 1.6 milyan, shaki kuma jiro in xanuunka macaanku sababay. Dhanka kale 2012-kii, dhimashooyin lagu qiyaasay 2.2 milyan, waxa loo aaneeyey sonkoraw dhiig oo aad u sarreeyey. Sidaasi darteed, hay’adda caafimaadka aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo (WHO) waxay xustay in xanuunka macaanku uu kaalinta todobaad kaga jiray asbaabihii dhimashada ee 2016-kii.

Cunto caafimaad qabta, jimicsi joogto ah, dhimista miisaanka jidhka ee dheeraadka ah iyo ka fogaanshaha isticmaalka tubaakada ayaa noqon kara siyaabo looga hortegi karo ama loo baajin karo in macaanka noociisa labaad uu cid asiibo.

Xanuunka macaanka waa la daaweyn karaa; natiijooyinka ka dhashana waxa looga gaashaaman karaa cunto caafimaadka u fiican, jimicsi, daawooyin, baadhitaan joogto ah iyo daawaynta dhibaatooyinka ku lifaaqan xanuunka macaanka.

Waa Maxay Xanuunka Macaanku?

Xanuunka macaanka ama sonkorowgu waxa uu dhacaa marka dhiiga ay ku badato sonkortu (glucose), taasi oo ka badan xadigii ama heerkii loogu tallo galay inay ahaato.

Maxaa Sababa Cudurka Macaanka?

1) In dheecaamada (Insulin) oo uu ganacu soo daayo laga waayo dhiigga.

2)In qanjidhka soo saara dheecaanka ama hormoonka Insulin uu soo dayn waayo xadi Insulin oo ku filan xadiga sonkoreed ee dhiigga ku jira; sidaasi darteedna sonkortii bu’da unuga gudaha u geli lahayd ee tamar loo bedali lahaa, waxa ku adkaata inay gasho gudaha unugga.

Waa Maxay Insulin?

Insulin waa dheecaan ama hormoon dhiigga ka ururiya sonkorta; waxana sameeya oo soo daaya ganaca oo ah xubin ku taalla caloosha dhinaceeda bidix.

Ganaca waxa ku jira unugyo yar yar oo sameeya Insulin; kuna dara dhiigga si uu u yareeyo xadiga sonkorta ee dhiigga ku jirta.

Macaanku Imisa Nooc Ayuu  U qaybsamaa?

1) Noocaa 1aad (diabete type 1): Noocan waxa sababa in jidhku uusan helin xadi ku filan oo Insulin ah; wuxuuna ku dhacaa boqolkiiba 95% carruurta, boqolkiiba shanta soo hadhayna 5%, waxa uu ku dhacaa dadka waaweyn.

2)Nooca 2aad (Diabetes type 2): Noocan waxa sababa ganaca oo aan soo daynin xadi ku filan, kaasi oo ka yar xadigii Insulin ee loo baahnaa. Sidaasi darteed unugyada jidhku ma helaan sonkor ay tamar u bedalaan; sonkortiina dhiigga ayey dul sabaysaa. In sonkortu ay galiweydo unugyada jidhkana waxa ugu wacan:

Sabab dhaxaltooyo oo la xidhiidha hide sidaha (DNA). Qofka oo aad u cuna waxyaabaha macaanku ku badan yahay oo dadku halis ugu jiro. Qofka oo da’ooba (gabooba). Miisaanka jidhka oo bata (obesity) iyo fikirka faraha badan (stress).

3)Nooca 3aad (Gestational Diabetes): Waa macaanka ku dhaca hooyada uurka leh. Calaamadaha lagu garto waxa kamida: oon badan, kaadi badan, gaajo badan iyo daal faro badan. Sidaasi darteed, hooyada uurka lihi waxay macaankeeda ku xakamayn kartaa:

  1. A) Cunto caafimaadkeeda u fiican sida: khudaarta, beedka, hilibka iwm; waxana ka reeban hooyada uurka leh cunista xabxabka, cinabka, bariiska, baastada, roodhida iwm.
  2. B) Jimicsi joogto ah: sida socod iwm. Haduu macaanku intaas ku dagiwaayo, waxa la siinayaa irbada macaanka (Mixed Type Insulin).

Waa Maxay Sababta Irbada Loo Siinayo Hooyada Uurka Leh?

Sababtoo ah irbada macaanku kama gudbi karto madheerta oo ah iskuxidhka hooyada iyo ilmaha uurka ku jira.

FG:- waxa kale oo jiri kara kiniin macaanka loo isticmaalo oo aan ka gudbin madheerta; loona yaqaano metformin, waana la siin karaa irbada badelkeeda laakiin markuu aad u kacsan yahay irbada ayaa u fiican.

Hooyada Uurka Leh Muxuu Macaanku Ku Keeni Karaa?

1-Dhiigkar 2-In dhiiggu uu kaco; kelyahana dhaawac ka soo gaadho. 3-In ilmaha uurka ku jira uu madaxu waynaado, taai oo keenaysa in hooyadii ilmaha lagu qalo; waxana suurtogal noqon karta in ilmahaas mustaqbalka dambe uu ku dhici karo, macaanka noociisa labaad.

Daawooyin Noocee Ah Ayaa Macaanka Lagu Daweeyaa?

Daawooyinka macaanka lagu daaweeyo waxa loo qaybiyaa lix nooc. Mid mid ayeynu u dul istaagi doonaa; waxana aynu ka hadli doonaa mid waliba faa’iidada iyo waxyeelada ay jidhka ku sababayso iyo sida ay u shaqayso; waana sidan socota:

1) SULFONYLUREAS:  Waxa kamida sida daawooyinka Glibenclomide iyo Glepiride. Waa daawo loo qaato nooca labaad ee macaanka (Type 2). Dawadan oo la sameeyey 1950-meeyadii, waxa ay shaqadeedu tahay in ay ganaca (pancrease) ka caawiso, soo saarista dheecaanka ama hormoonka Insulin ee dhiigga sonkorta ka ururiya. Dawada marka la qaadanayo qofka waxa loo raacinayaa inuu qaato cunto aan macaan lahayn iyo inuu jimicsi sameeyo. Dawadani waxay sababta in macaanku hoos u dhaco; waxana qofku uu ku garan karaa in macaankiisii hoos u dhacay astaamahan soo socda: Dhidid badan, Gaajo, Gariir jidhka oo dhan, Khalal xaga maskaxda ah iyo miisaanka oo kordha.

2) MEGLITINIDES: Waa daawo afka laga qaato oo loo isticmaallo nooca labaad ee macaanka (Type 2); waxaana kamid ah dawada Repaglinide. Waxay kordhisaa xadiga Insulin ee ganacu uu soo daynayo; waxana ay hoos u dhigtaa macaanka dhiigga. Waxyeeladeeda waxa kamida: yalaalugo iyo miisaanka oo kordha.

3) BIGUANIDES: Waxa kamida (Metformin) oo ah daawo loo qaato nooca koowaad ee macaanka (Type1). Waxay sarre u qaadaa cadaadiska xididadu ay ku keenayaan hormoonka  Insulin, si sonkorta dhiigga ku badani ay u gasho unugyada jidhka.

4) THIAZOLIDINEDIONES: Waxa kamida (Pioglitazone) oo ah Daawo sarre u qaada la falgalidda hormoonka Insulin uu la falgalo duxda iyo muruqyada. Dhibaatada daawadani ay keento waxa kamida: Edema (Barar) iyo miisaanka oo kordha.

5) ALPHA-GLUCOSIDASE INHIBITORS: (Acarbose) waa daawo loo qaato nooca labaad ee macaanka, taasi oo hoos u dhigta xadiga sonkorta ee laga nuugayo mindhicirka yar (small intestine).

6) DPP4 INHIBITORS: (Sitagliptin) waa daawo loo qaato macaanka noociisa labaad, waxa ay xoojisaa soo daynta dheecaanka ama hormoonka Insulin; waxa ayna yaraysaa xadiga sonkoreed ee dhiigga ku jira. Waxyeeladeeda waxa kamida: caabuq ku dhaca ganaca iyo kansar.

Waa Maxay Ujeedka Loo Qaadanayo Daawooyinku?

Hadii heerka macaanka dhiiggu ka badan yahay intii caadiga ahayd, waa in hoos loo dhigo; lana gaadhsiiyo intii laga doonayey inuu ahaado. Tusaale ahaan, haduu qofku sooman yahay, waa in heerka macaankiisu ka yaraado 126 mg/dl, hadii se uu intaas ka bato macaan ayaa jira. Dhanka kale hadii qofku aanu soomaneyn, waa in heerka macaankiisu noqdo 140 ilaa 200 mg/dl.

Marka ugu horeysa ee la ogaado in heerka macaan ee qofku ka badan yahay 300mg/dl ilaa 600mg/dl iyo wixii ka sareeya, waxa wanaagsan in qofkaas la siiyo irbadihii macaanka dajinayey ee aan la siinin kiniino. Markaas kadib ayaa qofkii tallo la siin karaa.

Iyadoo loo eegayo nooca macaanka, hadii uu yahay kan carruurta ku dhaca, waxa lagu bilaabayaa irbadda macaanka (Mixed Insulin), taasi oo inta noloshiisa ka hadhay uu sii wadi doono. Hadii se uu noqdo nooca labaad ee macaanka (Type 2), waxa la siin karaa tallo. Waxyaabaha lagala talinayo waxaa kamida, cuntooyinka uu qaato; waxana lagula talin doonaa cuntooyinka u fiican caafimaadkiisa. Sidoo kale waxa lagula tallin doonaa inuu sameeyo jimicsi iyo socod. Intaa kadib hadii tallaabooyinkaas lagu xakamayn kari waayo, waxa loo bilaabidoonaa dawada Metformin oo la siin doono maalintii laba jeer.

Sidee Loo Baadhaa Xanuunka Macaanka?

1) Qofkii oo mudo sideed saacadood ah aan oomato afka saarin, marka la baadho dhiigiisa hadii ay natiijadu noqoto inta u dhexaysa 100mg/dl ilaa 125mg/dl, waxa la odhanayaa qofkaas macaanbaa ku soo socda (pre-diabetic). Qofkaas wax dawo ah lama siinayo laakiin waxa lagula talinayaa inuu iska joojiyo cuntooyinka macaanku ku badan yahay, jimicsi sameeyo; hadii miisaankiisu badan yahayna uu dhimo. Laakiin hadii uu macaankiisu ka bato 125mg/dl isaga oo aan waxba cunin, qofkaasi macaan ayuu leeyahay; tallooyin ayaana la siin doona.

2) Qofku marka uu wax cuno, ee laba saacadood kadib la baadho dhiigiisa, haduu ka bato 200mg/dl, qofkaasi macaanbuu leeyahay; waxana la siin doonaa tallooyinka uu u baahan yahay. Laakiin in macaanku yahay noocii koowaad ama noocii labaad sidee lagu ogaan karaa?

3) Si loo ogaado in macaanku yahay kii 1aad ama kii 2aad, waa in dhiigga laga baadho dheecaanka C-Peptide oo sheegaya in ganacu uu soo saaray Insulin iyo in kale. Haduu ganacu soo saaray Insulin, C-Peptide-ku kor ayuu u kacaa, hadii aanu soo saarina hoos ayuu u dhacaa. Sarre u kicista heerka C-peptide wuxuu inoo sheegaa macaanka noociisa 2aad inuu qofka hayo, dhanka kale hoos udhaca C-peptide wuxuu inoo sheegaa macaanka noociisa 1aad inuu qofka hayo.

4) HpA1C: habkan himogolobiintu wuxuu inoo sheegaa heerkii macaan ee qofka dhiigiisu uu maraayey saddexdii bilood ee ugu dambeeyey. 4.5% ilaa 6% waa cadayn sheegaysa in macaan ku soo socdo qofka, haduu gaadho 8% wuu dhaafay xaaladii macaan caadi ah; waxa uuna gaadhay inuu xubnihiisa muhiimka ah dhaawac u gaysto sida indhaha, kelyaha, wadnaha iwm.

 

Dr.Maxamed Daahir Axmed

Tell:252634164699

E-Mail: Maxamedtahir@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here