Nooc ka mid ah Kalluunka Badda oo Sida Shimbiraha Duula

0
1089

Kalluunku waxa uu leeyahay 50 jaad oo nooca duula ah, ka mid maaha shimbiraha ee waa kalluun awood u leh inuu ka soo boodo biyaha isla markaasna duula, isagoo adeegsanaya baalashiisa dhaadheer.

Kalluunkan ayaa duulida ama biibida u adeegsada ka baxsashada cadowgiisa biyaha ku jira,  marka cadowgiisu soo dhawaado ayuu sayntiisa midig iyo bidix u dhaqaajiyaa si dhakhso ah, si uu banaanka ugu boodo ka dibna uu duullimaad ugu sameeyo baalashiisa, isagoo biyaha u jirsada joog hal mitir iyo badh ah, iyo xawaare dhan 30 ilaa 40 kiilo mitir saacadii, hawada wuxuu ku jiri karaa ugu badnaan 10 sikin, markuu biyaha ku dhacayo ayaa haddana wuxuu sayntiisa ku garaacaa biyaha si uu markale u duulo, taasoo u keenta inuu meel dheer tago, haddii uu ku celceliyo tabtaas lix ama todobo mar wuxuu goyn karaa 300 ilaa 400 oo mitir,

waxaa laga cunaa jasiiradaha kariibiyaankaJabaanTaywaanFaytnaamJabaaniisku waxay ka sameeyaan cuntada loo yaqaan Sushi, taasoo ay u haystaan inay tahay cunto aad u macaan,

Xeelada kalluunkan ee duulista ahi kama badbaadiso inta badan in bani’aadamku ay dabtaan oo ay cunaan.

 

Leave a Reply