Sagaal Faa’iido Oo Ay Caafimaadka U Leedahay Cusbada Baddu (Sea Salt)

0
747

Cusbada baddu si dhakhso ah ayay caalamku ugu fiday, ka dib markii dadku ogaadeen faa’iidooyinka caafimaad ee ay leedahay. Cusbada caadiyan waxaa laga helaa badda, umana baahna in la sanceeyo ama wax kale lagu daro si loo isticmaalo.

Sidoo kale, waxay ka kooban tahay, isla markaana ay qani ku tahay macdan badan oo jidhka qofku u baahan yahay, kuwaasoo caafimaadka ka qayb qaata. Cusbada dabiiciga ahi way ka caafimaad badan ta kale ee inta badan suuqyada lagu iibiyo, waxaanay leedahay faa’iidooyinkan:

Waxay xoojisaa habka difaaca jidhka- Cusbada baddu dabiiciyan waxay ka caawisaa qofka inuu si fiican u dhismo hab-dhiska difaaca ee jidhku. Sidaa darteed wuxuu qofku iska cabin karaa fayraska duriga keena iyo xumadda hargabka, elerjiga iyo xanuuno kale.

Hoos u dhaca miisaanka – Rumayso ama ha rumaysan, laakiin cusbada baddu sidoo kale waxay qofka ka caawisaa inuu hoos u dhigo miisaankiisa. Sidoo kale waxay qofka ka caawisaa in jidhkiisu si fiican u sameeyo dheefshiidka cuntada, taasoo sababaysa in cuntada marka la cuno ka dib ay si degdeg ah u dheef-shiidmayso, waxa kale oo ay ka hortagtaa in koritaanka xubnaha dheef-shiidka, kuwaasoo sababa haddii ay waynaadaan in culays ama miisaan uu jidhkaaga fuulo.

Dubka Jidhka – Ku maydhashada cusbada baddu  waxay ka caawisaa jidhka oo ay ka hortagtaa inuu qalalo ama uu adkaado. Sidoo kale waxay furfurtaa daloolada jidhka.

Xiiqda – Cusbada baddu waxay aad hoos ugu dhigtaa khatarta ku timaada hab-dhiska neefsashada, kaasoo sababa haddii uu xumaado xanuunka loo yaqaan xiiqda.

Caafimaadka Wadnaha – Marka cusbada badda oo biyo lagu qasay la isticmaalo waxay hoos u dhigtaa heerka subaga dhiiga, dhiig karka, waxaanay si fiican uga shaqaysiisaa  garaaca wadnaha, waxaanay ka hortagtaa wadne istaaga iyo faaliga.

Macaanka – Isticmaalka cusbada baddu waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta jidhka. Waxaanay ka hortag fiican u tahay halista cudurka macaanka.

Lafaha Jidhka – Qofka oo isticmaala cusbada baddu waxay ka caawisaa inay si fiican u dhismaan lafaha jidhkiisu.

Muruqyada Jidhka – Cusbadu waa qayb muhiim ah oo caawisa shaqada muruqyada jidhka. Sidoo kale isticmaalka milixda baddu waxay muruqyada jidhka ka caawisaa inay si fiican u dhismaa.

Werwerka Badan– Isticmaalka cusbada baddu waxay aad dawo uga tahay noocyo badan oo qofka warwar ku keena. Sidoo kale waxay milixda baddu ilaalisaa laba hormoon oo jidhku soo daayo, kuwaasoo la dagaalama wararka nafsiyanka qofka u saameeya. Labadan hormoon lagu magacaabo (Serotonin) iyo (Melatonin), waxay qofka ka caawiyaan inuu dareemo farxad iyo deganaansho, isla markaana uu helo hurdo fiican habeenkii.

Leave a Reply