Wasaaradda Caafimaadka oo hawlgallo ka fulisay galbeedka Somaliland

0
1001

Madaxa fayo dhawrka guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), oo ka warbixiyay olole dhanka kor u qaadida fayo-dhawrka ah oo ay ka fuliyeen gobollada Awdal iyo Gabiley.

Madaxa fayo dhawrka guud ee cudurada xuduudaha iskaga gudba ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Cabdiwahaab Cabdi Jaamac (Nakruuma), oo u waramaayay warkaaladda wararka Somaliland ee SOLNA wuxuu sheegay in olole kor loogu qaadayo fayo-dhawrka ay koox ka tirsan wasaaradda caafimaadku ka fuliyeen goobo uu ka mid yahay cusbitaalka guud ee magaalada Boorama iyo goobo kale oo ku yaala magaalada Wajaale, isagoo intaas ku daray in ololahaas ay iska kaashadeen wasaaradda caafimaadka iyo hay’adda Wadaniga ah ee Havayoco.

Dr. Cabdiwahaab (Nakruuma), Madaxa fayo dhawrka guud ee wasaaradda horumarinta caafimaaka Somaliland wuxuu xusay in olole fayo-dhawrka ku saabsan ay hore uga fuliyeen cusbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay u qorshaysan tahay inay kooxdaas uu hogaaminayo ay tagaan degaannada ku teedsan xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo dalka Itoobiya, sida degaanka Goroyo-cawl, diyaarna ay u yihiin inay hawl-galkaas ka fuliyaan goob kasta oo dalka gudihiisa.

Leave a Reply