Somaliland oo Xaqiijisay In Qofkii Ugu Horeeyey u Dhintay Xanuunka COVID-19

0
845

Hargeysa- Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cumar Cabdilaahi Badde oo shir jaraa’id ku qabtay  magaaladda Hargeysa ayaa  ka hadlay xaqiijiyey xaalad dhimasho ah oo ku soo korodhay xaaladihii hore ee xanuunka Covid-19 ee Somalilad.

Wasiir Badde ayaa sheegay in qofkii ugu horeeyey uu Somaliland ugu geeryooday xanuunka Covid-19, qofkaas oo ku geeryooday magaaladda Borame ee xarunta gobolka Awdal.

Waxa uu wasiirku sheegay in gudaha magaaladda Hargeysa dhiiga laga qaaday dad gaadhaaya 20 qof, kuwaas oo laga helay hal qof, qofkaasina uu ku geeryooday magaaladda Borame, waxaanu cadeeyey wasiirku in aanu qofkan xanuunka u dhintay wax safar ah gelin, isla markaana uu aha qof gudaha dalka joogay, waxaanu tilmaamay in taasi cadaynayso in xanuunku ku jiro gudaha dalka.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiirku in ay jireen saddex qof oo iyagana laga qaaday dhiiga, kuwaas oo ku sugan magaaladda Burco, waxaanu wasiirku tilmaamay in dadkaasi xanuunka laga waayey.

Wasiirka ayaa sidoo kale  sheegay in uu jiro qof magaaladda Berbera ka yimid , waqtigana magaaladda Hargeysa ku sugan oo ay wasaaradda Caafimaadku gacanta ku hayso, kaas oo markii la baadhay laga helay xanuunka Covid-19.

Wasiir Cumar Cabdilaahi waxa uu sidoo kale cadeeyey in 12 qof oo dalka dibadiisa ka yimid lana socday diyaaradda Ethiopian oo ay dawladdu Karantiin ku haysay mid kamid ah laga helay xanuunka, waqtigana ay xaaladdiisu degan tahay.

Waxa uu wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland usoo jeediyey bulshada in la raaco talooyinkii wasaaradda Horumarinta caafimaadka ee lagaga hortegaayey xanuunka Korona Fayras, isla markaana laga digtoonaado, madaama oo dadkan laga helay xanuunkan waqtigani ay yihiin kuwo aan Somaliland ka bixin, kuna sugna Gudaha magaalooyinka.

 

Leave a Reply