Ururka WAAPO oo Raashin iyo agab Caafimaad gaadhsiiyey boqolaal qoys oo dan yar ah

0
881

Hargeysa(GNA)-Ururka Waddaniga ah ee WAAPO, ayaa deeq isugu jirta Raashin iyo agab caafimaad gaadhsiiyey Boqolaal Qoys oo kamida bulshada danyarta ah ee ku dhaqan magaalada Hargyesa.

Ururka ayaa raashin dhamaystiran oo muddo bil ah loogu talo-galay siiyey 120 Qoys, oo tiro ahaan ka kooban 720 Qof, qoysaskaasoo kala kala socday Dadka barakacayaasha ee ku dhaqan Xaafadaha Sh. Nuur, Maxamed Mooge, Axmed-dhagax iyo State House.
Dhinaca kale Ururku waxa uu ku wareejiyey agabka caafimaadka ee lagula dagaalamo Caabuqa Corona Virus iyo cudurrada kale ee ay isku dabeecadaha ku faafaan 500 qoys oo kamida barakacayaashan.

Munaasibad lagu qabtay xarunta Ururka WAAPO, oo kaalmadan lagu wareejiyey, ayaa waxa ka qaybgalay agaasimaha guud ee Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, saraakiil ka socday Hay’adda Caritas oo gacan ka geysatay Mucaawimadan iyo madaxda Ururka Waddaniga ah ee WAAPO.

Masuuliyiinta Ururka WAAPO oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey barmaamujkan mucaawimada iyo tirada qoysaska loogu talo-galay, iyagoo dhinaca kalena halkaasi kaga dhawaaqay in ku han-weyn yihiin in ay tababar u qabtaan dafcadii ugu horeysay ee xirfadlayaasha shaqaalaha caafimaadka, arrintaasoo ay ka wada shaqaynayaan wasaaradda horumarinta caafimaadka.

Waxa ay sheegeen in taakulada ay u qaybiyeen xaafadaha danyarta uu ka mid ahaa agabka ka hortagga caabuqa corona-virus, isla markaana urur ahaan ay diyaariyeen barmaamuj ay Wacyi-galin ah oo lagaga hortaggayo Caabuqa covid19.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qoyska, shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdirashiid Cabdiraxmaan Sh. Ibraahim oo isna xafladaasi hadal dheer ka jeediyey, ayaa waramay baahida ay danyarta somaliland u qabto taakulaynta aasaasiga ah ee nololsha, kaddib markii uu saameyn xooggan ku yeeshay cudurka corona Virus nololshooda.

“waxaynu ku jirnaa xilli adag oo dhaqaalaha bulshadeena uu saameyn badan ku yeeshay xanuunkan corona Virus, taasoo ay sababtay meelihii ay bulshadeena nugul dhaqaalaha ka heli jirtay oo xidhmay, markaa in dadkaas ilihii dhaqaale ka xidhmeen iyo kuwa ka badbaaday tacadiyadii la gaadhsiiyey in wax la taraa waa muhiim”ayuu yidhi agaasimaha guud.

waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi ” waxa farxad ah in aanu goob-joog ka noqono halkan oo Ururka WAAPO dad gaadhaya 720 qof amma 120 qoys ah maanta ku siinayo raashin ay muddo bilo ah ku noolaadaan. waxa kale oo iyaduna farxad ah in 3000 qof oo iyaguna dadka nugul ah qalabka ka hortagga xanuunka COVID19, taasna aad iyo aadbaan WAAPO iyo CARITAS oo qayb ka qaadatayba ugaga mahad-celinayaa”.

Agaasime Cabdirashiid, ayaa ku amaanay Hay’adda WAAPO kaalinta ay kaga jirto taakulaynta dadka nugul, isagoo ku booriyey Hay’addaha kale ee maxaliga ahi in ay ku daydaan “runtii cid kasta oo Ururka WAAPO howlaha uu qabto ka taageeraysa waanu uga mahad-celinaynaa, waayo waa Urur wax badan ka qabta baahiya dadka nugul, annaga wasaarad ahaan waxa uu nagala shaqeeyaa arrimo badan. waxaanu u dirnaa dadka tacadiyada loo geysto oo uu gacan naga siiyaa daryeelkooda”ayuu raaciyey.

Xubno ku hadlayey afka guddoomiyeyaasha xaafadaha taakulada la gaadhsiiyey, ayaa iyaguna halkaasi mahad-naq uga jeediyey Ururka WAAPO iyo Hay’adda CARITAS ee ay mashruucan iska kaashadeen, waxaanay dhankooda balanqaadeen sidii loogu talo-galay loo gaadhsiin doono deeqdan dadka loogu talogalay.

Halkan ka Daawo Muuqaal:


   

Leave a Reply