“Qaadka meeshii lagu arko waa la qabanayaa”… badhasaabka Sool

0
507

Lascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa ka hadlay sida ay gobolkaasi uga fuleen awaamiirta guddiga heer qaran ee ka hor taga Corona Virus gaar ahaana Qaadka.

Waxaanu sheegay in ay socdaan hawl-gallo joogto ah oo ay sameeyaan ciidamadda amaanka ee gobolka Sool oo ka dhan ah la dagaalanka Qaadka.

Iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay markii guddiga heer qaran ee  ka hor taga Covid19 ay ciidamadda gobolkaasi fuliyeen hawl-gallo Qaad lagu gubay.

“Waxaan bulshadda gobolka Sool ku wargelinayaa u jeedadda awaamiirtaasi loo soo saaray ma aha, in cid gaar lagu cabudhiyo, balse waa in dadka caafimaadkoodda lagula tacaallo.

Waana in amaradaasi ay dadweynuhu sidoodda u qaataan, waanay ku mahadsan yihiin, bulshadda oo awaamiirtaasi markii la soo saaray sidoodda u qaadatay” ayuu yidhi badhasaabka Sool oo maanta warbaahinta la hadlay.

Guddoomiyaha ay u mahad celiyay qaybaha kala duwan ee ciidamadda iyo laamaha dawladda ee gobolka Sool sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen maamulka gobolka hawlaha la dagaalanka Qaadka.

Waxaanu yidhi, “Waxaan uga mahad celinayaa dhamaanba laamaha dawladda oo si weyn noola shaqeeyay, gaar ahaana ciidamadda booliska iyo kuwa milateriga ee gobolka ka hawl-gala, maamulka degmadda Laascaanood, wasaarradaha”.

Geesta kale C/qani Maxamuud Jiidhe, waxa uu sheegay in aanay wax dhibaato ah ka dhalanin hawl-galladda la dagaalanka Qaadka ee laga fuliyay gobolka Sool.

“Marka hawl-gal dhaco, dhibaato way timaadaa. Laakiin, wax dhibaato ah ama dhimasho ah oo deegaanka gobolka Sool ka dhacay ma jiraan. Mar labaad taa waan uga mahad celinayaa bulshadda gobolka Sool” ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Dhinaca kale badhasaabka ayaa cadeeyay in ay mamnuuc tahay in Qaadka la keeno gobolka, maadaama oo guud ahaanba dalkoo dhan laga mamnuucay keenistiisa iyo cunistiisaba.

Isagoo arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Qaadka amar baa ka soo baxay, waana la joojiyay. Meeshii lagu arkana waa la qabanayaa”.

 

 

Dawannews.com/Hargaysa Office.

Leave a Reply