Deegaan Jire: Dawladda Somaliland Oo Ku Hawlan Ilaalinta iyo Daryeelka Duur-Joogta

0
866

Wadamo badan oo caalamka ah ayaa ahmiyad weyn siiya ilaalinta iyo daryeelka noocyadda kala duwan ee duur-joogta, ama dugaag ha ahaato ama ugaadh ahaatee.

Waxaanay dawladaha qaarkood wadamadoodda ka sameeyeen dhul aad u baaxad weyn oo lagu xanaaneeyo laguna daryeelo duur-joogta. Iyadoo dhaqaale lacageed oo malaayiin ah loo qorsheeyo horumarintoodda.

Sidoo kale waxaa jira hay’addo badan oo caalami ah, kuwo heer gobol ah iyo ururro ka shaqeeya arrimaha ilaalinta duur-joogta, isla markaana dhakhaatiirta xayawaanka ku takhasusay iyo khabiiro kale ku maalgeliya sidii loo horumarin lahaa duur-joogta.

Kuwaasoo dhaqaale fara badan ku bixiya duur-joogta, halka ay sidoo kale-na iyaga laftoodu dhaqaale lacageed oo adag ka helaan duur-joogta iyo xayawaanadda kala duwan.

Dadyowga dalxiiseyaasha ah ee daafaha caalamka uga daawasho yimaadda duur-joogta awgeed. Waxaanay dawladahaasi sameeyeen xeerar ciqaab culus uu ku mutaysanayo qofkii dhibaato u gaysta ugaadha.

Ugaadha ama duur-joogta noocyadeedda kala duwan waxay faa’iidooyin kala gedisan u leedahay dawladaha, dadka, iyo deegaanka ay ku nool yihiin laftiisaba. Dawlado badan ayaa dhaqaale adag ka soo gala daawashadda ay dalxiiseyaashu ugu yimaadaan duur-joogta.

Ka sekow in dhaqaale ahaan ay dawladaha qaar uga faa’iidaystaan duur-joogta, waxaa jira hay’addo iyo ururro iyagu ka baayac-mushtareeya sawirrada iyo muuqaaladda dabiiciga ah ee laga duubo ugaadha.

Qaaradda Afrika ayaa ah tan laga hello inta badan noocyadda kala gedisan ee ugaadha iyo duur-joogta. Waxaana dalka Botswana ku yaalla u yaalla goobta ugu weyn aduunka ee xeradda xayawaanka lagu xanaaneeyo.

Waxaana ka hawl gala dalka Botswana, hay’addo. Shirkado  iyo ururro kala duwan oo ka shaqeeya arrimaha deegaanka iyo duur-joogta.

Marka aynu u nimaadno Somaliland, waxaa lagu tiriyaa dalalka Afrika ee ay ku nool yihiin ama laga hello noocyadda ugaadha iyo duur-joogta aduunka intiisa kale dhif iyo naadirka ku ah.

Inkastoo aanay Somaliland 30-kii sanadood ee ay jirtay weli ku guulaysan in ay samayso xarumo ama goobo lagu xanaaneeyo laguna daryeelo ugaadha iyo duur-joogta noocyadeedda kala duwan.

Waxaana ka dhaca Somaliland in duur-joogta si sharci darro ah loo ugaadhsado, loogana ganacsado ama in si macno darro ah loo laayo. Iyadoo aanay jirin cid kula xisaabtamaysa oo ay dadkaasi ka cabsadaan.

Balse sanadahan danbe ayaa dawladda Somaliland waxay ku tallaabsatay waxyaabo la doonayo in lagu ilaaliyo laguna horumariyo duur-joogta. Sida shuruucda ilaalinta duur-joogta iyo in la hello xeerar wax lagaga qabanayo ugaadhsiga sharci-darrada ah.

 

Hadaba qormadeenan maanta ee Deegaan Jire, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer Miyiga Somaliland ayaa sheegtay in la soo ururinayo xayawaan duur-joog ah oo ay dad si gaara guryahooda ugu haystaan.

Agaasimaha waaxda duur-joogta ee wasaaradda degaanka Somaliland C/naasir Xuseen Siciid, ayaa ka hadlay ahmiyadda ay duur-joogtu u leedahay dalka iyo dawladaba.

Iyadoo ay qorshaynayaan in la sameeyo goobo lagu daryeelo duur-joogta si ay dadyowga ajaanibka ah ugu daawasho yimaadaan.

Waxa kaloo uu ka hadlay sharciyadda ka yaalla dadka lagu soo qab-qabto iyagoo si sharci darro ah uga ganacsanaya duur-joogta.

C/naasir Xuseen Siciid, oo warbixinayay faa’iidooyinka ay duur-joogtu u leedahay dalka waxa uu yidhi, “Faa’iidooyin kala duwan ayay qaranka jamhuuriyadda Somaliland u leedahay duur-joogta kala duwan, ee  ku kala nool deegaamadda Somaliland, nooc kastoo ay tahayba. Faa’iidooyinka ay leedahay waxaa ka mid ah dhinaca dalxiiska, waa u qurux.

Goobaha dalxiiska imika waxaanu wadnaa Dibis, oo Hargaysa u jirta 70 KM oo imika dhamaad ku dhaw. Waanu gaynay 21 Deerro ah, oo aanu ka qaadnay wasaaradda arrimaha gudaha. Duur-joogtu bilic iyo qurux ayay u tahay deegaanka. Mida kale waa hanti ummada Somaliland oo dhan ay wada leeyihiin”.

“Sharci baa uga yaalla wasaaradda horumarinta deegaanka iyo reer Miyiga, dadka ugaadhsanaya ama dhoofinaya.  Sharciga uga yaalaa waxa weeye, in xeerka Kaymaha iyo ilaalinta duur-joogta Xeer LN. 79/2015.

Labadda gole ee Wakiiladda iyo Guurtida ayaa ansixiyay, in dadka dhoofinaya ama sifo sharci darro ah loogu soo qabto, iyadoo ugaadhsanaya ama dhoofinaya sharciga ayaa lala tiigsanayaa” ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

Waxa kaloo uu sheegay in waxyaabaha ay ku guulaysteen ay ka mid tahay in xukuno kala duwan lagu riday dad lagu soo qab-qabtay iyagoo si shaarci daro ah uga ganacsanaya Ugaadh.

Kuwaasoo xabsi kala duwan lau riday, isla markaana gaadiidkii ay ku qaadayeen lagala wareegay. Waxaanu yidhi,  “Ka wasaarad ahaan waxyaabaha noo qabsoomay waxaa ka mid ah Ceel-Sheekh ayaanu ku soo qabanay 6 Harima-cad iyo laba qof oo eedaysaneyaal ah, oo dhoofinayay.

Maxkamadda degmadda Hargaysa ayaa xukuntay raggaasi. Waxaana lagu xukumay midkiiba saddex sanadood oo xadhig ah. Waxa kaloo lagu xukumay min $300 oo dollar. Gaadhigii ay wateen, ee ay Harima-cadka ku sideen-na qaranka ayaa la wareegay”.

“Dibis, degmadda Cadaadley ee gobolka Maroodijeex ayay ka tirsan tahay, ayaanu ka wadnaa goob duur-joogta lagu xareeyo. Meel wanaagsan ayaanay noo maraysaa. Hay’adda GIZ ayaanu iska kaashanaynaa”ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

Hadaba muxuu yahay qorshaha wasaaradda deegaanka Somaliland ee  ku saabsan ilaalinta iyo daryeelka duur-joogta.

Waakan agaasime C/naasir Xuseen Siciid, oo sharaxaya “Waxaa noo qorshaysan, mustaqbalka dhaw in aanu kala soo wareegno dhamaanba  bulshadda sida sharci darrada ah ku haysta duur-joogta, nooc kastoo ay tahayba.

Kuwa goobaha dalxiiska jooga, kuwa hudheeladda jooga, iyo kuwa lagu haysto guryaha gaarka loo leeyahayba, in wasaaraddu ay la wareegto” ayuu yidhi C/naasir Xuseen Siciid.

 

Diyaarintii: Khadar Cabdi Muuse.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here