Basaaska Keim Iyo Taariikh Qorayaasha!

0
1133

Wuxu ahaa masuul sare oo ka tirsan ciidanka sirdoonka Ingiriiska, haddana wuxu si buuxda ula shaqaynayay sirdoonka Sofiyeetka ee KGB. Waxaana lagu magacaabi jiray Harlod Adrain Rossel waxa uu ku dhashay dalka Hindiya bishii Janaray, sandakii 1912.

Aabihii Sant Jhon Fliby wuxu ahaa askari ka tirsan ciidanka Ingiriiska, oo derejo fiicana ku dhex lahaa ciidanka.  Aabihii ayaa Ingiriiska u basaasi jiray dawladii Cusmaanyiinta Turkiga.

Aabaha Harold Adrain Russell (Keim) waxa uu ahaa basaas Ingiriis oo door weyn ka qaatay burburintii Khilaafadii Cusmaaniyiinta. Waxa uu ahaa sirdoon, qoraa, iyo weliba cilmi baadhe. Waxa kale oo loogu yeedhi jiray odayga Sh.Cabdallah. Waxaana uu noqday nin Carabta ka mid isagoo gaadhay inuu khudbadaha Jimcaha akhriyo. Wuxu guursaday gabadh reer Najad oo u dhashay wiilkiisan keliya ee Flip.

Laakiin wiilkiisu waxa u sheqeeyay sida uu aabihii u sheqeeyay ee khiyaamada ahayd,  waxaana uu khiyaameeyay ingiriiska halka uu aabihiina ka khiyaameyey Cusmaaniyiiinta.  Harlod waxa uu noqday sirdoon ka tirsan oo u shaqaynaya Sofiyeetka hadana madaxa u ahaa sirdoonka Ingiriiska.

Dhaman qoraayasha sirdoonkan taariikhdiisa qoray waxay ku daaleen oo ku dawakheen halka asal ahaan uu ka soo jeedo sirdoonka Harlod. Ka hor dhimashadiisa ayaa lagu yidhi sideed u aragtaa inaad dalkaagii Ingiriiska ku noqotay khaayinal wadan. Waxaana uu ku jawaabay “ Khiyaamadu waa inaad marka hore aaminsan tahay inaad ka mid tahay, anigu weligay maba rumaysnayn inaan ahay nin Ingiriisa ah, sidee ayaan markaa dalkayga u khiyaameeyay”.

Ingriisku ma ahayn dalkaygii. Odhaahdaasi ayaa wareer iyo muran keentay iyadoon la aqoon halka uu ka soo jeedo, aabihii ayaa la sheegay inuu tegay Sacuudiga ka dibna Islaamay oo uu la tailye u noqday boqorkii Sacuudiga C/casiis Al-Sacuud. Wakhtigaasina wuxu ka mid aha sirdoonka Ingiriiska.

Harlod Keim wuxu ku biiray Jaamacadda Cambridge sanadkii 1929, isagoo ka qalin jebiyay sanadkii 1934. Mudadii uu halkaasi ku jiray waxay is barateen rag badan oo ah shuuciyiinta mayalk adag ah oo ay ka mid ahaayeen Maknin, Donland iyo Kana.  Kuwaasi oo ka dhigay shuuci xag jir ah oo neceb dhaqanka Ingiriiska iyo galbeedka.

Isla sanadkaasi ayuu tegay Austeria waxaana  uu ku biiray kooxihii kacaankii shuuciga ahaa ee kacdoonka waday. Isagoo halkaasi ka bilaabay shaqada weriyanimo, waxaana uu gudbin jiray wararka ka soo horjeeda xukuumdii talada haysay.

Halkaasi ayay isku barteen  barteen gabadh uu doonayay inuu guursado oo la odhan jiray Aliis Fredman, laakiin nasiib daro xukuumaddu duqayn ay ku samaysay magaaladii ay degenaayeen ayay ku dhimatay.

Dalkaasi Austeria ayay si kedis ah ku kulmen laba sarkaal oo ka tirsan sirdoonka KGB sofiyeetka , Major Theodre iyo Wadaadkii kiristaanka ah ee shuuciga noqday ee Jabur Peiter. Waxana ay u sheegeen inuu sirdoonka kala sheqeeyo sidii kacaanada shuuciga ahi ee caalamiga ah loo dhiiri gelin lahaa.

Dalka Ingiriiska ayuu ka helay shaqadii rasmiga ahayd sanadkii 1936 isagoo noqday weriye ka tirsan wargeyska Times ee London.  Waxaana uu ka soo warami jiray dagaalkii sokeeye ee Spain.  Sanadkii 1941 isagoo weli ka sheqeeya wargeyska Times ayuu la kulmay nin ay isku arday ahaayeen oo ka shaqayn jiray sirdoonka Ingiriiska Jai Perchies , kaasi ayaa qoray inuu ka mid noqdo sirdoonka Ingiriiska.

Sanadkii 1941 oo sirdoonka Ingiriiska isbedel lagu sameeyay ayaa loo magacaabay Keim Flip jago cusub oo aanu filayn taasi oo ahayd inuu la socdo sirdoonka dalalka ajaanibka.

Keim Flip waxa uu caan ka noqday sirdoonka Ingiriiska dhexdiisa waxana ay ahaayeen kuwo aad u jecel , faylkiisa ayay ka buuxeen amaan iyo shaqo wanaag. Inkasta oo mararka qaarkood is weydiin jireen halka uu ka soo jeedo haddana waxay isku qancin jireen wuxu la mid yahay gabayaaga weyn ee Rodiar Keiblij oo isaguba Hindi ah.  Waxa uu ahaa nin hibo u leh sirdoonka, soo jiidasho leh, dadkuna aanay ka xiiso goyn oo ay jeclaadaan sidaasi ayay sirdoonka Ingiriisku ugu bixiyeen Keim.

Dabayaaqadii sanadkii 1944 ayaa Keim Flip loo magacaabay madaxa sirdoonka kooxda sagaalaad ee sirdoonka Ingiriiska.

Waxa kooxda loogu talo galay burburinta sirdoonka Sofiyeetka. Wakhtigaasi oo dagaalkii labaad dhamaad ku dhowaa oo ay cadaatay in Sofiyeetka iyo galbeedka ay cadaawadoodu si weyn usoo baxday.

Burburinta oo intii dagaalkuu socday la joojiyay ayaa dib si xawli leh ugu bilaabantay. Sidaas darteed sirdoonka Ingiriiska ayaa kooxdan Keim madaxda u yahay abuurtay.

Keim Flip ayaa Sofiyeetka u gudbiyay Faylal badan oo sirdoonka Ingiriisku lahaa. Waxa uu la qabtay mudadaasi hawlo badan waxaana u sameeyay laba arimood oo waaweyn:

Tana hore,  Waxa uu burburiyay taageero qarsoon oo ay kooxhii cadawga ku ahaa Hitler ay siiyeen Ingiriiska. Taasi oo Sofiyeetka u muujisay marka Hitler la rido in xukuumadda cusub ee Jarmalka ay noqon doonto mid reer Galbeedka la safan taasina ay ku noqon lahayd hawl adag oo aanu ka bixin.

Tan labaadna waxay ahayd inuu Keim Filp u dhiibay liiska sirdoonkii Ingiriiska ee ka joogay Sofiyeetka magacayadoodii. Liisaskaasi oo ah kooxdii uu isugu madaxda u ahaa ee uu u sareeyay. Ingiriiska ayaa arintaasi ku dawakhay muddo dhawr sano ah, taasi oo ka yaabisay sida Sofiyeetku u helay liiska sirdoonkiisa iyo weliba iyo cidda u  gudbisay? …………

Leave a Reply