“Caddeyn ayaa loo hayaa in Coronavirus uu ka yimid shaybaadh Shiinaha ku yaal” Pompeo

0
460

Xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka Mike Pompeo ayaa Axaddii sheegay in “caddeymo weyn” ay muujinayaan in cudurka Coronavirus uu asalkiisa ka yimid shaybaar ku yaalla dalka Shiinaha, isaga oo sare usii qaaday xiisadda kala dhaxeysa Beijing.

Saynisyahanada ayaa rumeysan in fayruskan uu kasoo billowday xawayaan kadibna usoo gudbay bani’aadamka, kadib markii uu ka dillaacay suuqa xoolaha lagu qalo oo ku yaalla magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha.

Hase yeeshee, Pompeo, oo horey madax uga ahaa CIA-da, ayaa taleefishinka NBC u sheegay in caddeymo “muhiim ah” islamarkaana “aad u weyn” ay muujinayaan in fayruska uu kasoo billowday shaybaadh ku yaalla Wuhan.

“Waxaan filayaa in dunida oo idil ay iminka arki karto, xusuuso, Shiinaha waxay taariikh u leeyihiin inay dunida ku faafiyaan fayrus, waxayna leeyihiin shaybaadho aad u tayo hooseeya,” ayuu yidhi Pompeo.

Pompeo ayaa sheegay in dadaalladii hore ee Shinaha ay ku yareeyeen halista Coronavirus ay ahaayeen “dadaallo lagu bixinayo akhbaar qaldan oo Shuuciyiinta Shiinaha ay caan ku yihiin, kuwaas oo abuuray halis xooggan.”

“Madaxweyne Trump waa uu caddeeyey: waan la xisaabtami doonnaa kuwa mas’uulka ka ah,” ayuu yidhi Pompeo.

Shiinaha ayaa beeniyey eedeymaha Mareykanka, islamarkaana agaasimaha xafiiska sirdoonka qaranka Mareykanka ayaa sheegay in taxliiliyayaasha ay weli baadhayaan asalka fayruskan.

Warbixino ay baahiyeen warbaahinta Mareykanka qaarkood, ayaa sheegaya in Trump uu amray sirdoonka inay ogaadaan asalka fayruskan, isaga oo doonaya inuu ka dhigo xududnta ololihiisa dib u doorashada.

Cudurka Coronavirus ayaa dadka ugu badan ee caalamka ku dilay Mareykanka, waxaana u dhintay 66,000 oo qof, isaga oo saameeye dad ka badan milyan qof.

AFP

Leave a Reply