“qofkasta oo dhinta umu dhiman Coronavirus” Dr Xergeeye

0
716

Hargeysa-  Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Xarunta Wasaaradda ayaa sheegay in saxaafadda ay ka reeban tahay wararka suuqa ee xaqiiqda ka fog , waxaanu xusay in qofkasta oo dhinta ama cisbitaal loo gudbiyaa aanu qabin ama u dhiman cudurka Coronavirus.

 

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay badhitaan ka qaadan dadka calaamadaha cudurka leh islamarkaana ay si joogta ula wadaag bulshada iyaga oo u marinaaya saxaafadda .

Dr Xegeeye waxa uu sheegay in dadku ay hore ugu dhiman jireen cisbitaalada haddana ay ku dhinta balse iyaga wasaaradda ahaan ay waajib ku tahay inay soo bandhigaan cid u dhimatay cudurka corona virus

hadalka agaasimaha guud ayaa dabbasocda su’aal laga waydiyey sababta uu u dhintay Oday 82 sanno jir oo ku dhinta hargeysa , kaasi oo ay dadku sheegeen inuu u dhintay cudurka Coronavirus balse aanay wasaaraddu xaqiijiin .

Leave a Reply