Wasiirka Beeraha Somaliland oo Fariin Mihiima u Diray Beeralayda Dalka

0
590

Hargeysa (Dawan) Wax-soo-saarka beeruhu waa isha koobaad ee quudinta xoolaha inta badan kala badh bulshada Somaliland oo xoola dhaqato ah.

Sidoo kale beeraha waxaa ka soo go’a sanadkasta noocyo kala duwan oo dallag ah, kaas oo loo isticmaalo farsameynta cuntooyinka kala gadisan ee lagu isticmaalo gudaha waddanka.

Dhaqaalaha waddanku wuxuu ku salaysan yahay wax-soo-saarka qadiimiga ah iyo kan casriga ah, oo meelo badan oo dalka ka mid ah si tartiib tartiiba ugu soo badanaya.

Hadaba wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland mudane Axmed Muumin Seed ayaa beeraleyda dalka ugu baaqay maada lagu jiro xili roobaadkii ay ay ka faa’iideystaan oo ay badiyaan wax-soo-saarka dhinaca beeraha “Waxaan halkan baaq uga diraya shacabka reer Somaliland ee ku hawlan dhinaca wax-soo-saarka waxaa aynu ku jirna wakhtigii wax-soo-saarka roobkiina waa uu inoo da’ay Ayaxa iyo dhibaatooyinka ina heysta waa aynu la tacaaleyna laakiin waxaan ku boorinaya shacabka reer Somaliland in dhanka wax-soo-saarka ku hawlan waa wakhtigii wax la qodayay weeyaan, roob wanaagsana waa aynu heysana marka in dadku wax-soo-saarka libin laabaan”

Leave a Reply