Wasiirka warfaafinta Somaliland oo Afhayeen Cusub U Magacabey Wasaaraddaasi

0
520

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa magacaabay afhayeen cusub oo ay yeelan doonto wasaaradda warfaafintu.

Wareeegto ka soo baxday xafiiska wasiir Koore ayaa waxaa afhayeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta loogu magacaabay inu noqdo mudane Cabdillaahi Aadan Cumar Wayab, kaasi oo badeli doona afhayeenkii hore.

Wareegtadan ka soo baxday xafiiska wasiirka warfaafinta Somaliland mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo soo gaadhay xafiiska warqabadka Mareegta Dawan ayaa u dhigneyd sidan “Si loo dar-dargeliyo loona wanaajiyo guud ahaanba shaqada wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, maadama oo shaqada aynu heyna ay balaadhan tahay loona baahan yahay in la helo qof aqoon u leh shaqadaasi.

Hadaba markii aan ku qancay aqoonta, waayo arragnimada, iyo kartidda uu u leeyahay xilka afhayeenka wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, in laga bilaabo maanta 5/5/2020 waxaa aanu u magacaabay Cabdillaahi Aadan Cumar (Wayab) afhayeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, afhayeenkii horena waxaa uu ku eekaan doona shaqadiisi wariyenimo, afhayeenka la magacaabayna waxaa aan in uu xilka loo magcaabay uguto si hufnaan iyo xilkasnimo ku dheehan tahay oo joogta ah ayaa lagu yidhi wareegtadaasi”

Leave a Reply