Faylasuufkii Garsooraha Ka Yaabiyay!

0
694

Waxa uu ku soo kalahay maxkamadda nin faylasuuf ahi isagoo doonaya in xaakinku dacawadiisa maalintaasi eego. Wakhti badan ayay ku qaadatay sugida xaakinka oo maalintaasi aad u raagay, waxaana ka muuqday daal iyo tabcaanimo.

Wakhti danbe ayuu xaakinkii la filayay soo galay, wax yar ka dibna  waxa soo baxay kaaliyaha xaakinka waxaana uu dadkii sugayay cod dheer ku yidhi:” Dhamaan dacawadaha aan la eegin waxa xaakinku uu eegi doonaa maalinta berri, maanta iska taga “. Ninkii ayaa aad u cadhoodaya oo diiday inuu amarkaasi qaato.

Markii xaakinka loo sheegay ayuu soo baxay waxaana uu amray in $ 20 , la ganaaxo mar hadduu amarkii diiday.  Ninkii ayaa jeebadiisa baadhay oo ku dheeraaday, markii danbe isagoo u muuqda inuu lacag ka waayay ayuu haddana aad u baadhay shandad uu sitay.

Xaakinku markii u arkay ayuu ku yidhi :” Iska dhaaf haddii aanad haysan, waan ka saamaxnee oo iska tag”.

Ninkii faylasuufka ahaa ayaa yidhi :” Maya, waan hayaa lacag, laakiin waxaan eegayay haddii aan amarkan labaad fulin waayo, inta la I ganaaxayo, waxaan sugayay inaad ganaax kale igu rido, laakiin waxay noqotay cafis”.

Sababta cafiska ayaa ah isagoo aan amarka labaad diidin laakiin u muuqday mid fulinaya, ka dibna looga naxariisto amarkii uu qaatay ee awoodiisa aanu lahayn.

 

Leave a Reply